Wasiir Dowlaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Ayaa ka qabgalay kulan lagaga Hadlaayey Shaqo ABuuris Loogu samayn lahaa Dhalinyarada Wadanka.

Hargeysa(Toggaherer)-Wasiir Dowlaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Ayaa ka qabgalay kulan lagaga Hadlaayey Shaqo ABuuris Loogu samayn lahaa Dhalinyarada Wadanka.

Natiijada sawirka C/rashiid ismaciil kaahin

Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxaa si wado jir ah uga soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay wasaaradaha dhalinyarada,shaqada iyo arrimaha Bulshada ,Hay-adda Havayoco macalimiin ka socady.
Wasiiru dowlaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Cabdirashiid ismaciil kaahin oo furitaankii xafladaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ka waramay in dhalinyarada wadanka shaqo Abuuris loogu samaynaayo ,iyadoo Hay-adda Havayoco ay barayso da-yartaasi xirfado kala duwan .
Waxaanu wasiir dowluhu uu ka dalbaday hay-adda Havacoyo in ay da-yartaasi baraan xirfadaha suuqyada magalada hargeysa looga baahan yahay,waxaanu farta ugu fiiqay hay-adaasi in xirfadi lix bilood ah oo kookooban ay baraan dayartaasi si ay ugu shaqo tagaan.

Geesta kalena C/laahi Maxamed xasan oo ahaa macalin ka socday hay-adda havayoco ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada xafladaasi oo ahayd mid kor loogu qaadaayo fursadaha shaqo Abuuriseed laguna dhiirigalinnaayo dhalinyarada dalka,gaar ahaanna ardeyda ka soo baxda jaamacadaha dalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso