Lieberman Oo Sheegay in Carabta Isreal la Qaadaco wuxuuna yidhi: Meeshoodu waa Ramallah.

Wasiirka difaaca Israel Avigdor Lieberman ayaa ku baaqay in la qaadaco muwaadiniinta Carbeed ee ku nool dalka Israa’iil sababtoo ah mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Maraykanka Donald H. Trump uu ugu aqoonsaday Qudus caasimadda Israa’iil.

“Waa inay dareemaan inaan halkan laga doonayan meeshan kuma abtirsadaan” ayuu Lieberman u sheegay Raadiyaha Ciidanka.

“Waxaan ku baaqayaa inaanan waxba laga iibsan dukaamadoodu, iyo sidoo kale Umm al-Fahm, meeshan ma aha halkoodi, laakiin waa Ramallah,” ayuu yidhi.
Waxa uu intaa ku daray in uu rajeynayo in mudaaharaadyada iyo rabshaduhu ee ka dhanka ah go’aanka Trump ay dhammaanayaan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso