Rouhani: Sacuudi Carabiya Waxay baryaysaa saaxiibtinimada Israel

Go’aanka Maraykanku ee magaalada Jerusalem inay tahay caasimadda Israel, Tehran ayaa kor u qaadday cambaareynta wadamada Carabta, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, kaas oo Madaxweynaha Iran Xasan Rowhani ku eedeeyay inay u rukuucday Israel.

Rohani ayaa sheegay intii uu hadal ujeedinayay baarlamaanka Iran Maanta: “Waxaa jira dawlada jaar ah oo had hadlaya dhibaato nagama dhaxayso … Sacuudiyiintu ha joojiyaan weerarrada Yemen,ha joojiyaan saaxiibtinimada iyo xidhiidhka Israel, kama doonayno Sacuudiga intaa in ka badan, “Kadibna wax dhibaato ah kuma yeelan doonto Sacuudi Carabiya,xidhiidh wanaagsan la yeelan karnaa”.

Madaxwaynaha Iran ayaa yidhi: “kama aamusi doonno mu`aamarada cusub ee Suhyuuniyada Maraykanka ee magaalada Jerusalem,” isaga oo intaa ku daray in waddankiisu “qaadi doono talaabo kasta oo lagu taageerayo dadka Falastiiniyiinta ee ka hortaga mu`aamarada”.

Sidoo kale afhayeenka baarlamaanka Iran Ali Larijani ayaa ku eedeeyay hay’adaha Carabta iyo kuwa Islaamka inay Gacmaha ka laabteen waxay awadaan Maraykanku.

Waxa uu intaa ku daray: “Haddii dalalka Carabta kala saari waayaan xisaabaadka ay la leeyihiin Maraykanka iyo Arrinta Qudus, waxay lumin doonaan sharafta dhabta ah.”

Larijani wuxuu ugu baaqay wadamada Islaamka in ay Joojiyaan Xidhiidhka ay la leeyihiin Mareykanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso