Lubnaan: Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka

Hargeysa(Toggaherer)_Lubnaan: Dalalka Carabta haka fekeraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Gebran Bassil

Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Kolsii horreysay madaxa kaniisadaha Masar Pope Tawadros-ka labaad ayaa sheegay inuu ku gacan seeri doono la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence marka uu soo booqdo magaalada Qaahira dhammaadka bisha soo socoto.

Madaxaha kaniiisadaha Masar ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Trump inuu iska dhaga tiray dareenka malaayiin Carab ah.

Waxaa kale oo ka jiray magaalada Qaza deganaansho la’aan kaddib dibadbaxyo ka dhacayay halkaasi iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Daanta Galbeed ee Israil ay heysato.

Advertisement

Ku Xayeysiiso