Noocyada Ahdaafta

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa
“ noocyada ahdaafta”. Ahdaaftu sida aynu ku soo qaadanay maqaaladii hore , waa qaar imaga caawin doona inay noqoto nolosheenu mid habaysan oo leh meel cayiman oo ay u socoto. Sidaa darteed waa in la samaystaa ahdaaf kala duwan loona cayimo wakhtigii lagu gaadhi laha sida afar bilood , lix bilood , sanad , shan sanno, IWM.
Noocyada ahdaafta waxa ka mid ah;
Diini. Hadafkani waa hadafka ugu weyn ee ay tahay in aynu ku dadaalno. Hadafkan oo ina gaadhsiinaya raalli ahaanshaha ALLE iyo jannooyinkiisa.
Waxaana loo baahan yahay in hadafkan loo diyaariyo aqoontii iyo camalkii lagu gaadhayay.

Caafimaad & Xarago. Hadafkan waxa soo gelaya arrimo kasta oo caafimaadkeena ilaalinaya ama kor u qaadaya. Sidoo kale is- nadiifinta , xaragada iyo is-qurxinta diinteenu dhiirigalisay waxay soo gelaysaa hadafkan. Hadafkani waxa uu la xidhiidhaa muuqaalkeena.

Xiriirka qoyska , asxaabta iyo bulshada. Hadafkani waxa uu ku saabsanaan doonaa qoyskeena qaybihiisa kala duwan, asxaabteena iyo bulshada sida aynu ula dhaqmayno. Sidoo kale hadafkan waxa wanaagsan inaynu ku cadayno sidii aynu xidhiidhadaas uga dhigi lahayn qaar wanaagsan.

Shaqo& Lacag samayn. Hadafkani waxa uu la xidhiidhaa sidii aad lacag u samayn lahayd , lacagtaas oo aad naftaada iyo dadka kuugu dhaw aad wax ugu tari lahayd , diintaadana ku qurxin lahayd. Tusaalayaal ku saabsan hadafkan:
Hadafkan waxa ku cad shaqada aad qabato ama aad qaban doono mustaqbalka.
waxaad ku qori kartaa hadafkan aqoonta aad jeceshahay inaad barato ama takhasuska aad doonayso inaad qaadato iyo waliba heerka jaamacadeed ee aad doonayso inaad gaadho.
Waxaad ku qori kartaa hadafkan siyaabaha aad doonayso inaad lacag ku samayso sida inaad ganacsi furato IWM.

Caawinta bulshada iyo samaynta raad kaa hadha dhimashadaada ka dib. Hadafkani waa hadaf dadku badanaa ay moogan yihiin. Hadadkan waxa lagu xaqiijin karaa siyaabo kala duwan sida inaad ku sadaqaysato maalkaaga , aqoontaada , iyo awoodaada , kuna caawiso dadka u baahan adiga oo abaalkeeda ALLE ka baryaya. ALLENA ugu mahadnaqaya maalka , aqoonta , awooda ama xilka uu kugu manaystay. Maqaal gaar ayaynu hadafkan qiimaha badan ku soo qaadan doonaa haddii EEBE idmo.

Badbaado. Ahdaafta magacan leh waxa ka mid ah inayu barano arrimo inaga caawin kara inaynu gaadhno isku-filnaan. Tusaale ahaan barashada kaawiyada dharka , maydhista dharka , karinta cuntooyinka qaar , barashada iska difaacida cadawyada kala duwan sida tuugta , IWM.
Hadafkani waa mid inaga dhigaya qaar nafaheena ku filan oo aan cid aan ALLE ahayn u baahnayn.

Waqtiga firaaqada & samaysashada hiwaayado. Hadafkani waxa uu cadaynayaa in nafta ay u baahan tahay in loo raaxeeyo wakhtiyada qaar. Waxaana loogu raaxayn karaa siyaabo kala duwan oo ku xidhan waxa uu qofku xiiseeyo sida ciyaarista kubbada cagta , daawashada filimada , caways lala qaato asxaabta iyo dadka aynu jecel nahay , safarka , IWM. Sidoo kale hiwaayaduhu waa qaar muhiim u ah in nafta lagu maaweeliyo sida akhriska , qoraalka , IWM.
Toddobaddan nooc ee ahdaafta waa wadadii lagu gaadhi lahaa nolol isku dheeli tiran oo qorshaysan. Waxaana cajiib ah in midkasta oo toddobadkan ahi uu ku soo arooray diinteena suuban!
Ugu dambayntii aynu ku dadaalno inaynu samaysano toddobadan nooc ee ahdaafta ah. Sidoo kalena aynu qiyaasno inta nolosheena ku jirtay ee inoo qorshaysnayd maqaalkan ka hor. Walibana aynu ogsoonaano in toddobadan nooc ee ahdaafta ahi ay xidhiidh leeyihiin oo aanay kala maarmayn. Waana dariiqa lagu gaadhayo nolol xiise iyo ku dayasho leh , ALLE dhammaanteen ha ina waafajiye!
Kala socda maqaalkan & maqaalo kaleba labada toddobaad ee u horeeya bil kasta Website-yada ku baxa afka- Soomaaliga kana daalaco maqaaladii hore degelkan:
HYPERLINK “http://Www.Medium.com/@Kadim” http://Www.Medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso