Gudaha Ka Eeg :Madaxweynaha La Doortay Oo Tacsi Diray .

Xafiiska Madaxweynaha La Doortay

TACSI: MADAXWEYNE          —                   December 07, 2017

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-caro) oo ku geeriyootay Hargeysa xalay oo taariikhdu tahay 07/12/2017.

Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd hooyadii fanka Soomaalida, isla markaana ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacad, waxay caan ku ahayd heesihii Soomaalida ee loo yaqaanay Qaraamiga, waxaanay hormood u ahayd horumarintii fanka Soomaalida.

Madaxweynaha cusub waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Shamis Guduudo-carwo mid ka mid ahayd xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Afka Soomaaliga oo ka baxday dhammaan dadka Soomaalida ah, isla markaana waxa uu xusay inay ahayd addoon wanaagsan oo aad u cibaado badnayd.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso