Furiinka Degdega ah Oo Hindiya Xukun Xarig ah lagu muteysan karo.

Hargeysa(Toggaherer)-Furiinka Degdega ah Oo Hindiya Xukun Xarig ah lagu muteysan karo.

Furiinka ayaa saddexda dalaaqo ah ayaa Hindiya laga mamnuucay bishii Agoosto.

Ragga isku daya “furiinka degdega ah” ayay suuragal tahay in lagu xukumi doono illaa saddex sano oo xarig ah sida uu dhigayo sharci cusub oo qabyo ah oo laga baaraan degayo in laga dhaqan geliyo dalka Hindiya.

Dhaqanka furiinka ayaa ku saleysan in ninka muslimka ah uu ” dalaaqo”ama (furo) saddex jeer xaaskiisa isaga oo afka ka dhahaya ama qoraal uu fariin ugu diro.

Arrintaan ayaa maxkamadda sare ee Hindiya waxa ay ku dhawaaqay in sharci-darro ka tahay Hindiya bishii Agoosto, balse saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay in wali furiinku uu socdo.

Sharciga qabyada ah ee lasoo bandhigay ayaa sidoo kale ganaaxaya ragga furiinka degdega ah sameeyo waxa uuna caawinayaa dumarka la kulma furiinka noocaas ah.

Sharcigan oo loogu magacdaray sharciga qabyada ah ee ilaalinta xuquuqda guurka dumarka muslimiinta ayaa haatan loo gudbiyay maamul goboleedyada hoos yimaada dowladda dhexe ee dalkaasi si looga baaraan dego.

Sharcigan ayaa haddi la hirgaliyo waxaa lagu waddaa inuu si cad u mamnuuco furiinka saddexda dalaaq halka mar lagu dhawaaqayo, iyada oo la raacayo go’aanka maxkamadda sare ee Hindiya.

Waxaana lagu wadaa soo saarista hannaan sharci ah oo bedeli kara kalmadaaas sida ay qortay wakaaalada wararka ee Hindiya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso