Qaramada Midoobey Oo Dalbanaysa lacago Dhan Balaayiin Dollar.

Hargeysa(Toggaherer)-Qaramada Midoobey Oo Dalbanaysa lacago Dhan Balaayiin Dollar.

Qaramada Midoobey ayaa codsatay lacag dhan $22.5bilyansi loogu bixiyo arrimaha bina’aadanimada sanada 2018.

Caruur badan oo Yamen ku nool waxaa haysata macaluul

Codsigani caalamiga ah ayaa looga gol leeyahay in lagu helo lacago si loogu caawiyo 91 milyan oo qof ee daafaha dunida ku dhibaataysan.

In ka badan $10 bilyan oo lacagtan ka mid ah ayaa loo baahan yahay si loo xaliyo dhibaatada bina’aadanimo ee ka jirta dalalka Suuriya iyo Yamen ayaa lagu sheegay bayaanka ay Qaramada Midoobey soo saartay.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegtay in dhibaatooyiinka ka jira qaar ka mid ah wadamada qaarada Afrika ay sii kordhayaan.

Colaado ka jira qaar ka mid ah wadamada qaarada Afrika iyo bariga dhexe ayaa sii kordhisay 5%, tirada u baahan gargaar bina’aadanimo sida uu sheegay isu duwaha Qaramada Midoobey Mark Lowcock.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in $3.5 oo bilyan oo lacagtan ka mid ah lagu gargaari doono dadka ku qaxay gudaha Suuriya ,halka $4.2 bilyan lagu caawin doono qaxootiga reer Suuriya ee xerooyiinka wadamada dibadda ku jira.

Dalka Yemen, oo ay ka taagan tahay xaaladdii bina’aadanimo ee ugu darnayd caalamka ayay Qaramada Midoobey sheegtay in $2.5 oo bilyan loo baahn yahay si loo caawiyo dadka gargaarka u baahan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso