Mareykanka Oo Go’aan ka gaari doona lahaanshaha Qudus.

Hargeysa(Toggaherer)-Mareykanka oo go’aan ka gaari doona lahaanshaha Qudus.

Saraakiisha dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay u badantahay in madaxweyne Trump uu toddobaadka soo socdo ku dhawaaqi doono tallaabada xigta ee ku aadan in Mareykanka uu magaalada Qudus u aqoonsan doono inay tahay caasimadda Isra’iil.

Magaalada Qudus

Tallaabadan ayaa hurin karta colaad horleh oo u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Isra’iil, waa haddi uu Mareykanka uu u aqoonsado inay tahay magaalo ay leeyihiin Yuhuuda. Dowladda Isra’iil ayaa ku andacoota in magaalada Qudus ay tahay magaalo ay leedahay Yuhuuda.

Qaramada midoobay ayaan bariga magaalada Qudus u aqoonsaneyn inay tahay dhul ay leedahay Isra’iil.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololihii doorashada waxaa uu horay u ballan qaaday in safaaradda Mareykanka ee dalka Isra’iil loo rari doono magaalada Qudus, balse weriyaha BBC-da ee dalka Mareykaka ayaa soo sheegayaa in haddi madaxweyne Trump uu tallaabadan ka dhabeeyo ay ifafaalo wanaagsan u tahay ballan qaadyadii uu sameeyay xiligii ololaha doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso