Gudiida Arrimaha Bulsha Ee Golaha Guurtida S/land Ayaa Kulan La Yeeshay Komishanka Maamul Wanaaga iyo Ka Hortaga Musugmaasuqa.

Hargeysa(Toggaherer)-Gudiida Arrimaha Bulsha Ee Golaha Guurtida S/land Ayaa Kulan La Yeeshay Komishanka Maamul Wanaaga iyo Ka Hortaga Musugmaasuqa.

Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada Ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo Ugu Horeyn Kulankaasi Xogwareysaga ahaa Furay ayaa Yidhi:

(Maanta waxaanu halkani ugu yeedhnay komishanka maamaul wanaaga iyo ka hortaga musuq maasuqa Somaliland,oo muddo kooban magacownaa ,Guddiyada arrimaha Bulshada ayaa halkani ugu yeedhay si aanu warbixin uga dhagaysano ,iyadoo madaxweynaha xilka ka sii tagayaa uu dhabarka taabtay oo uu magacaabay in aanu warbixin ka dhagaysano ka dibna Golaha Gurtida Somaliland u gudbino).

Gudoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo ka hortaga musuqmaasuqa Axmed jaamax maxamuud ayaa warbixintiisa ku bilaabay Sidan:

Waxaanu xilka haynay muddo yar oo kooban kuna siman lix bilood oo kaliya ,iyadoo lixdaasi bilood aanu qabanay waxqabad badan waxaanu waxqabadkayagu ku salaysnaa toban wasaaradood oo kala gedisan iyo shan degmo oo gobolada dalka ka mid ahlaascaanood ilaa borama waxaan kaloo tagnay goobaha uu dakhliga wadanku ka soo xaroodo ,halka gobolada galbeedka dalka aanu hakad yaro galinay iyadoo ay yara kala go-day xiligii ay cashuuraha qaadi jireen,waxaana u sabab ahayd shaqaaqadii Oromada ee halkaasi ka dhacady oo la joojiyaey gaadiidkii xageena u soo gudbaayey ,waxaana sanadakan cusub noo qorshaysan in koobahaasi la soo eego si loo ogaado habka ay umaamulayaan waxna uwadaan in lala soo hubiyo laguna dardargaliyo ayaa noo astaysan insha allaa .

wasaaradahaasi aanu baadhanay ee tobanka wasaaradood warbixino dhamaystiran ayaa nooga soo baxay anagoo madaxweynahan xilka hadda sii dhamaysanayana ugudbinay ,madaxweynaha cusub ee xilka la wareegi doonana la wadaagi doona wixii xig ah aanaau soo ururino ,waxyaabaha wasaaradaha nooga soo baxay waxay usii baahan yihiin in aanu Madaxweynaha kala sii yeelano dood wadaag balaadhan.

Gabogabadii kulankaasi xogwareysia ahaa Gudoomiyaha Guddida arrimaha Bulshada Ee Guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan(indho-indho ayaa uaga mahadnaqaya sida masuuliyinta komishanka maamaul wanaagu ay usoo ajiibeen dalabkoodii .

Advertisement

Ku Xayeysiiso