Hambalyada Madaxweynaha la doortay ee Munaasibada dhalashada Nebigeenna suubban

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka reer Somaliland munaasibadda dhalashada Nebigeennii suubbanaa Muxamed bin Cabdillaahi Nabadgalyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee awgeed.

Munaasibadda dhalashada Rasuulkeenna oo ku beegnayd maanta oo ay taariikhdu tahay 12 bisha Rabiicul-awal sannadkan 1439, isla markaana waafaqsan 30-ka bisha November sannadka 2017, waxa uu Madaxweynuhu Alle uga baryeyaa ummaddaha Muslimka ah, gaar ahaan kuwa reer Somaliland inuu quluubtooda isku soo dhaweeyo, waxaannu u rajeeyey inay xuskaa xuskiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

ALLAA MAHAD LEH.

Cali Jaamac Maxamed
_________________________________
Madaxa Warbaahinta Xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso