Uf Anaa leh Qabyaalad..Q.1aad

Uf Anaa leh Qabyaalad..Q.1aad

Rabi haydin ku asturo,hana idiin fududeeyo xilka ummadu idiin dhiibtay Md.Madaxweyne Muse iyo Md.M/kuxigeen Saylaci.

 

Allaah ayaa mahadoo dhan iska leh,waxa mudan oo aan hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka JSL ee hab-dhaqanka qurxoon ee deggan ku codeeyay,gaar ahaan shacabkii u codeeyay xisbiga kulmiye. Waxa kale oo aan qadarin iyo xishmad ba ku hambalyay nayaa komishanka doorashooyinka iyo hawl wadeenadii xisbiyada qaranka.Intaa hadaan ka gudbo,hoos aan ugu daadego dulucda qoraalkan.

 

Madaxweyne Muse iyo kuxigeenka Saylaci waxa aad talooyin idin soo gaadh siiyay bulshada qaybaheeda kala duwan.Talooyinkaa oo dhamaan tood ku fool lahaa:

1.Qaab dhismeedka xukuumada laydinka filayo.

2.Xalinta dhibaa tooyinkii ka dhashay ololahii.

3.Fulinta kala mudnaanshaha baahiyaha shacabka.

4.Cadaalad iyo sinaansho.

 Afartaa qodob ayaan isugu soo ururiyey markaan akhriyay,dhegaystay talooyinkii shacabku idiin soo jeedinayay.

Anna aan ku darsadee waxay ila tahay sidatan:

 

XUKUUMAD KOOBAN:

 1.Wasaarada Gudaha iyo amniga.

2.Wasaarada Arrimaha Dibada.

3.Wasaarada Cadaalada.

4.Wasaarada Maaliyada.

5.Wasaarada Waxbarashada iyo Cilmi baadhista

6.Wasaarada Caafimaadka.

7.Wasaarada Difaaca.

8.Wasaarada Ganacsiga iyo Tamarta.

9.Wasaarada Qoyska,waayeelka,haweenk,dhalinta.

10.Wasaarada Xanaanada xoolaha iyo Degaanka.

11.Wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

12.Wasaarada Beeraha.

13.Wasaarada Hawlaha guud,Gaadiidka (circa iyo dhulka).

14.Wasaarada Kaluumaysiga,khayraadka badda.

15.Wasaarada Macdanta iyo khayraadka dhulka.

 Md.Madaxweyne Muse, shacabka JSL waxay ka midaysan yahiin inaad soo dhistaan xukuumad kooban oo Tayo leh.Hadaba waxa haboon inaad qadarisaan rabitaanka shacabka JSL. Dhinaca Tayo-da waxay ku xidhantahay,wadaniyada,xilkas-nimada,kartida iyo aqoonta muwaadiniyiinta aad soo xuli doontaan. Uf Anaa Leh Qabyaalad.

LA SOCO QAYBTA 2aad……

Allaa Mahad Leh.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso