Reer Boqorka UK Maxay Afrika uGa dabo Dheceen?

Hargeysa(Togghaerer)-Reer Boqorka UK Maxay Afrika uGa dabo Dheceen?

Amiir Harry iyo Meghan Markle waxay qorshaynayaan in guurkoodu dhaco bisha May.

Botswana ayaa kaalin wax ku ool ah ka cayaartay sheeka xariirada jacayl ee u dhaxaysa amiir Harry iyo qalanjada Ameerikaanka ah, Meghan Markle.

Laba goor oo hore oo uu xiriir dumar ku hongoobay ka dib ayuu amiirku go’aansaday in uu marwadiisa mustaqbalka kula soo qaato ‘xiddigaha Afrika hoostooda’ wakhti fiican.

Wuxuu goor dambe u sheegay BBC inuu dareemay in ‘xiddiguhu isku beegmeen’ markii ay miss Markle kulmeen.

Lamaanahaas waxay mar kale dib u laabteen xagaagii xigay, dalkaas ku yaalla Afrika koofurteedana wuxuu weli xusuustaa markii amiir Harry uu naqshadeeyey fargashiga alkunka oo dhaxda uu kaga jiro dheeman laga keenay Botswana.

Laakin markaasi cidna shaki ugama jirin in dalkaas uu yahay halka uu amiir Harry u doortay inuu wakhti kula qaato la kulanka miss Markle.

Hore wuxuu u qirtay in qaraddu tahay halka ‘aan dareemayo in aan anigu anigii ahay marka loo eego meel kastoo kale oo dunida ku taalla’.

Mana aha qofka kaliya ee ka tirsan qoyska boqortooyada ingiriiska ee qaata kaalintaas muhiimka ah,

Waxay ku billaabatay masiibo shaqsi ah: Afrika waa halka amiirad Elizabeth – amiir Harry ayeeyadiis – ay boqoradda ku noqotay.

Ayada iyo odaygeeda, Duke of Edinburgh, Kenya ayey socdaal ku marayeen markii ay soo yeertay akhbaarta ah in aabaheed, boqor George-hii 5aad, uu geeriyooday.

Dhowr maalmood ayey ku jireen ugaar-daawasho, kuna nasanayeen hotelka caanka ah ee Treetops oo Nairobi u jira in wax yar ka badan 100 Mayl.

Sidaasoo ay tahay, Kenya waxay xusuus farxadeed u leedahay mid ka mid ah wiilasha ay ayeeyada u tahay.

Duke of Cambridge wuxuu ka dalbaday inay is guursadaan Kate Middleton ayagoo dalxiis ku jooga dalkaas ku yaalla bariga Afrika – wuxuuna markii dambe sheegay inuu fargashigii alkumashada ee hooyadii boorsada ku siday muddo todobaadyo ah ka hor intii uusan u soo bandhigin Kate.

Amiir William wuxuu sheegay in Kenya ay tahay halka uu jacaylka Afrika ka qaaday, laakin ma ah dalka kaliya ee uu dareemayo in uu si gaar ah ugu xiran yahay.

2013, wuxuu u sheegay barnaamijka Max Foster ee CNN, in Afrika ay tahay halka, sida walaalkiis oo kale, uu dareemayo inuu isagu isagii yahay,

Amiir William iyo amiir Harry labadaba waxay ku lug lahaayeen mashaariic khayriya ah oo Afrika ka jira.

Badbaadinta xayawaanka ayaa ah arrin ay labadoodaba jecel yihiin. Amiir William wuxuu xubin sharafeed ka yahay urur u dhaqdhaqaaqa ilaalinta faanta maroodiga, halka amiir harry uu isna xubin sharafeed ka yahay urur ka shaqeeya dhowrista Wiyisha Botswana.

Amiir Harry wuxuu sidoo kale seddex todobaad ku qaatay dalka Malawi xagaagii 2016, isagoo gacan ka gaystay in raxan Maroodi ah laga soo raro halka ay ku noolaayeen oo la keeno Nkhotakota oo 200 oo Mayl u jirta, si ay uga nabad galaan dhib dhex mara ayaga iyo dadka.

Amiir Harry wuxuu la shaqeeyaa dhallinyarada uu ku dhacay HIV ee Lesotho (sawirka waxaa la qaaday 2006).

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso