Wasiir Israel ah Sinai waa meesha ugu fiican ee Falastiiniyiintu ka dhis karaan dawladooda!

Wasiir Yuhuudi ah Gila Gamalil ayaa sheegtay in meesha ugu wanaagsan ee Falastiiniyiintu ay degi lahaayeen kana dhisi lahaayeen Dawladoodu tahay gobolka Sinai, Sida ay baahisay Kanaalka labaad ee Cibriga.

Wareysi uu la yeeshay majaladda Al Siyaadaha todobaadkii hore Gila Gamalil iyada oo joogtaa Masar kana qayb galaysay shirka haweenka ee Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in dawlad Falastiin ay yelato laga dhisi karo kaliya Sinai.

Sidoo kale Channel II ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ay ka codsatay caddayn Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil oo ku saabsan ereyada ay tidhi Gamal ayna ku sheegtay in “dawlad Falastiiniyiinta laga dhisi karo oo kaliya Sinai.”

Tvga ayaa ka soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaas isagoo sheegay in hadalkan aanay ku matalaynin Mawqifka rasmiga ah ee xukuumadda, ayna kana turjumeyn siyaasada Isreal.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso