War Deg Deg ah: Maxamed Yaasiin oo Ka tirsan Xisbiga Wadani oo Goordhawyad Lagu Xidhay Madaarka Hargeysa

War Deg Deg ah: Maxamed Yaasiin oo Ka tirsan Xisbiga Wadani oo Goordhawyad Lagu Xidhay Madaarka Hargeysa

Maxamed Yaasiin Xasan oo ka Mid ahaa Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa Isaga oo isle ka dhoof Madaarka Hargeysa La Xidhay Saaka.

Maxamed Yaasiin ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii Soo Bandhigay Buugii Komishanka Doorashooyinka ee la xaday kana dhasheen Mudaharaadada ay dad ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco Xaafado ka mid ah kaas oo ay ku sheegeen inuu yahay Buug Foojari ah oo ay soo samaysteen Kulmiye.

Masuulkan oo horena Wasiir uga Soo Noqday Muddo Kooban Xuukamdii u horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo soo Dhisay markii uu ku guulaystay Talada Dalka.

Ilaa iyo hadda Xukuumada iyo laamaha Amaanku kamay hadlin Xadhiga Masuulkan Xisbiga Wadani.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso