“Waxaan qabaa inaanu murrashax gaar ahi guulaysan ee Somaliland oo dhammi guulaysatay” Axmed Saleebaan Dhuxul

 

 

France (ToggaHerer)- Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland, Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sheegay in  doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay Isniintii toddobaadkan ay ahayd talaabo weyn oo hore loo qaaday oo lagu iibgeyn karo qaddiyada qaranimada Somaliland.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray  in xisbi doorashada ku guulaysta iyo ka laga guulaystaaba ay ka weyn tahay qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu u soo jeediyay murrashaxiinta saddexda xisbi qaran inay aqbalaan natiijada ka soo baxda komishanka doorashooyinka.

 

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadu wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay shabakada Gudgude.com, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalkooda.

 

“Doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13kii bishan November, waxay ahayd talaabo hore loo qaaday oo Somaliland ugu dhacday si nabadgelyo ah oo goobjoogeyaashii iyo beesha caalamkuna ammaaneen hufnaanteedii. Ujeeddada u weyn ee doorashadan aynu ka lahayn waxay ahayd inay kor u sii qaado sumcadii Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyada iyo horumarkaba, waana mid ay Somaliland kula garnaqsan karto adduunka oo ay garowshiiyo ugu heli karto masiirkeeda,”ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

“Xisbiyada ay ummadda reer Somaliland kala taageersanayd, looma kala taageeraynin reernimo ee waxa lagu kala taageerayay qaranimo xisbi walbana waxa ku jiray dadka reer Somaliland oo dhan min daraf ilaa daraf, sidaas awgeed waxaan leeyahay yaan dadweynuhu khalad ka fahmin doorashada iyo xisbiyadaba,”ayuu yidhi Mr. Dhuxul, waxaanu intaas raaciyay; “Waxaan dadweynaha reer Somaliland ee nabadda jecel ku boorinayaa inay nabadgelyada dalka ilaashadaan, taas oo ah muftaaxa horumarka iyo qaranimadaba.”

 

Afhayeenkii hore ee madaxtooyadu waxa uu xusay inuu taageerayo natiijada ka soo baxda Guddida doorashooyinka qaranka, waxaannu yidhi; “Waxaan taageeraynaa natiijada ka soo baxda guddida doorashooyinka. Waxaan qabaa inaanu murrashax gaar ahi guulaysan ee Somaliland oo dhammi guulaysatay, Guushuna ma aha mid dhaamata ee waxay u baahan tahay samir iyo wakhti. Muuse, Cirro iyo Faysal waxa ka weyn qaranimada Somaliland. Waxaan soo jeedinayaa in loo hoggaansamo natiijada ka soo baxda Guddida doorashooyinka qaranka.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso