Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan talo soo jeedin guddida doorashada una dan ah sharaftooda dalka iyo ummadada reer Somaliland.
Annaga oo u damqanayna dalka jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ka tiiraanysannay in uu dalku galo xaalad aan wanaagsanayn.
Waxa aynu la wada soconna in dalku aanu ku iman dhayal calankuna ku taaganayahay dhiig.
Sihaaantaas mar haddii guddida doorashooyinka qaranku ay u dhaarteen xilka culus ee loo igmaday
Waxaanu talo ugu soo jeedinayna in ay dhex u noqdaan metelaan bulashada ay nabadgelyadooda kana dhawraan wax kasta oo dhiiggoodu aanu ku daadan muhiimadda ugu balladhan siiyaan dalka iyo dadka jamhuuriyadda Somaliland
bulshada reer Somaliland yaanu idinka burburin dalkiinnu
Allaah ayaa mahad oo dhammi u sugnaatay
Deeq Cabdi Digale