Gudaha Ka Eeg : Banaan-baxyo Rabshado Watta Oo Burco Ka Socda .

Banaan-baxyo rabshado watta ayaa hadda ka socda Magaalada Burco .

Waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaasta, iyadoo ciidamada police-ku ay la tacaalayaan rabshadahaas .

Waxaa lagu soo waramayaa in dadkani ka cadhoodeen natiijada ka soo baxday Gobolka Togdheer oo xisbiga KULMIYE la sheegay in uu ku gacan-sareeyo .

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in dadkan gadoodsan qaarkood ay hubaysan yihiin .

Rabshadahan ayaa imanayaa saacado ka dib markii qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ay hakiyeen Wada shaqayntii Komishanka Doorashooyinka .

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rabshadahaas .

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso