Warbixin  U Hiilisay Komishanka Oo Shalay Soo Bandhigtay Olole  Khalkhaliyey Doorashooyin Sanadkan 18 Dal Ka Dhacay 

Warbixin  U Hiilisay Komishanka Oo Shalay Soo Bandhigtay Olole  Khalkhaliyey Doorashooyin Sanadkan 18 Dal Ka Dhacay

Warbixintan Oo Shalay Soo Baxday Waxay Xoojisay Xayiraadii Komishanku Saaray Baraha Xidhiidhka Bulshada Xilliga Doorashada

Warbixintan oo muddo todobo sano ah lagu gudo jiray waxaa ay taxday Saameynta Taban ee Teknoolajiyaddu kusoo kordhisay daah furnaantii doorashooyinka iyo kalsoonidii codadka hordhaca ah natiijada ka hor+ ra’yi ururintaey 65 Dal Oo ay sheegtay in xorriyadda Internetku Lug’goysay

London (Togaherer/Hubaal/BBC) – Doorashooyinka 18 dal oo dunida ka dhacay sanadkii tegey dabayaaqadiisii iyo sanadkan dhammaadka ah intii lagujiray ayaa la farageliyay codadkoodii iyo qalabkii lagu shaqaynayyay iyada oo la adeegsanayo warar qaldan oo laga faafiyey natiijadii codbixinahaas iyo sidoo kale olole dhinaca internetka ah oo oo lagu marin habaabinayo wararka doorashada. Sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin cusub oo shalay ay soo saartay hay’ad lagu magacaabo Freedom House oo deraasaysa arrimahan. Hay’addan ayaa intii ay ku jirtay cilmi baadhisteeda waxaa ay soo bandhigtay saamaynta taban ee ay tiknoolajiyaddu ku yeelatay doorashooyinkaas gaar ahaanna farriimo xambaarsan barobogaando oo xilliyada doorashada lagu faafiyey netka kuwaas oo buuq iyo kalsooni darro ku abuuray dawlado waawayn oo aaminsanaa in adeegsiga internetku aanu wax dhib ah ku haynin xasilloonida dadkooda.  Wadarta guud, 30 dal ayaa markii ay soo baxday dhibaatadani waxaa ay si joogto ah galaangal ugu yeesheen baraha bulshada si ay u xakameeyaan shacabka, ayaa lagu yidhi deraasadan, waxaanay intaasi ku dartay “xog ururinta Freedom House waxa isticmaalayaasha netka barayaan sida lagu ogaado war been ah, waxayna shirkadaha teknolojiyadda ugu baaqayaan in ay ilaalo ka noqdaan shabakadohooda si looga hortago ku dhex dhuumashada”.

Saameynta Taban ee Teknoolajiyaddu kusoo kordhisay daah furnaantii doorashooyinka iyo kalsoonidii codadka hordhaca ah natiijada ka hor

Khubarada hay’soo saaray warbixintan oo sanadle ahi waxay cilmi baadhis ku sameeyeen xorriyadda internet-ka ee 65 dal, kuwaas oo shacabkooda adeegsada internet-ka ay u dhigmaan 87 boqolkiiba, waxaana Warbixintan oo muddo todobo sano ah la uruurinayay natiijadeeda lagu xusay “xorriyadda isticmaalka internet-ku hoos ayay u sii dhaceysaa xilligan iyadoo ay dabcan dawlado badani aaminsan yihiin in isticmaalkiisu aanu wax rabash ah lahayn, hase yeeshee taas bedelkeeda dalal badan ayaa dedaal xooggan geliyey sidii ay u xakamayn lahaayeen wararka lagu qorayo baraha bulshada ee ay muwaadiniintooda u gudbinayaan ama kuwa ay wadaagayaanba. Waxa kale oo ay cilmi baadhistani hoosta ka xarriiqday hababka lagu farogeliyo xorriyada internetka laga aaminsanaa kuwaasoo ay xustay dad lacag lagu siiyo in ay doodaha u leexiyaan aragtiyo lagu taageerayo dawlad oo adeegsada baro lagu faafiyo warar been abuur ah si dadkaloo marin habaabiyo amaba dhaleecaynta siyaasiga ah xilliga doorashada u weeciyo weerar shakhsi ah oo kacdoon iyo xasilooni darro abuuri kara.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay xuddun u yihiin farsamada xakameynta net-ka balse hadda ay noqotay “mid caalami ah”. Dalalka hadda arrintaa billaabay waxaa ka mid ah Turkiga, Philippines, Suuriya iyo Itoobiya, kuwaas oo shaqaale badan u qortay, sida ku qoran cilmi baadhistan cusub.

Dadaal rasmi ah ayaa lagu xakameeyay doodo sida caadiga ah la qabto xilliyada doorashada, ayey tidhi hay’adda Freedom House. Waxaa ka mid ah 18 dal oo arrinta ay saameysay sida lagu turxaan bixiyay warbixinta.

Xilliyadii hore arrimaha noocan ah waxay ku koobnaayeen dalalka gudahooda, balse hadda waxaa sare u kacaya dowlado raadinaya in baraha bulshada u adeegsadaan doodo ka baxsan xudduudahooda.

Si gaar ah warbixinta waxay sheegtay in Ruushka uu dadaal muhiim ah geliyay si uu u farageliyo doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka.

Sida ku qoran cilmi baadhistan, in ka badan 25 boqolkiiba dadka adeegsada net-ka waxay ku nool yihiin dalal internet-ka u tixgeliyo meel xor ah iyaga oo daliil ka dhiganaya in aanay jirin haba yaraatee wax caqabad ah oo ka dhalanaysa adeegsiga netku. Natiijada warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalkan Somaliland ka socoto tirinta codadkii doorashada madaxtooyada ee dorraad 13-kii Nov. 2017 looga dareeray 21 deegaan doorasho oo Somaliland ku yaalla. Sidoo kale waxaa ay warbixintani soo baxday xilli ay komishanka doorashooyinku ku amreen shirkadaha adeega internetku inay xayiraad saaraan baraha xidhiidhka bulshada ee Social media loo yaqaanno inta lagu gudo jiro tirinta codadka doorashada iyada oo laga cabsi qabo in warar been abuur ah laga gudbiyo doorashada taas oo sida komishanku sheegay kacdoon ka ka dhalin karta bulshada dhexdeeda oo haddii aan hakad la gelin barahani ay muwaadiniintu xogo is khilaafsan isugu gudbin karaan. Ugu dembeyn farriinta ay warbixintani xambaarsan tahay waxaa ay badhitaaraysaa ama xoojinaysaa go’aanka komishanku kasoo saaray baraha bulshada oo la xidhay fiidnimadii dorraad markii ay dhamaatay codbixintii doorashada madaxtooyadu, waxaana ay dhinaca kale meesha ka saaraysaa dood lid ku ahayd mawqifka komishanka oo markii lagu dhawaaqay xayiraada la saarayo barahan ay soo saartay hay’ada xuquuqda aadamaha ee dunida ee loo soo gaabiyo HRW, taas oo meel kadhac ku tilmaantay go’aanka komishanka oo ay ugu baaqday inay ka noqdaana tallaabada ay shaaciyeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso