Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland waxa ay ugu Hambalyaynayaan Dadweynaha Somaliland Doorasho ku Dhacday si Nabadgelyo ah

 

 

 

 

 

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland

 

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland waxa ay ugu Hambalyaynayaan Dadweynaha Somaliland Doorasho ku Dhacday si Nabadgelyo ah

 

Iyada oo laga dab qaadanayo doorashada saddexaad ee Madaxtooyada oo dhacday 13 ka November 2017, waxa Hargeysa si rasmi ah u soo wada gaadhay 60 xubnood oo ah goobjoogayaasha caalamiga ah oo ay maal gelisay dawladda ingiriisku kuwaas oo ka kala yimid 27 waddan waxa ay imika dhamays tirayaan warbixintii hordhaca ahayd oo ay u gudbinayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka iyada oo goobjoogayaashiina ay Hargeysa ku soo noqonayaan. Dr. Michael Walls oo ka tirsan qaybta horumarinta ee jaamacadda UCL, kana mid ah Somaliland Focus waxa uu yidhi:

 

“Maalintii Doorashada, waxa aannu aad ugu faraxsannahay in aanu u soo taagnayn doorasho guud ahaan koobsatay habkii loo marayay doorashooyinka. Anna oo ogsoon in ay jiraan walaacyo aan la yaraysan Karin, haddana kuwaasi maaha qaar wax u dhimaya geeddi socodkii guud ee doorashada, isla markaana waxa aanu Somaliland ugu hambalyaynaynaa guud ahaan habka nabadgelyada ah ee way doorashadu u dhacday; Waa tallaabo oo hore loogu qaaday dhanka kacaanka doorashooyinka”

 

Maalintii codaynta, goobjoogayaashu waxa ay ka markhaati ahaayeen nidaamkii furitaanka, codaynta iyo xidhitaanka celcelis ahaan 350 goobood dhamaan lixda gobol ee Somaliland, sidoo kelena habkii tirinta codadka ayay iyadana arkeen. Goobjoogayaashu waxa ay hoosta ka xarriiqeen in guud ahaan goobaha cod bixintu ay furmeen isla markaana xidhmeen wakhtigii loogu talagalay, guud ahaana waxa ay ku dhacday xaalad deggan, codayn si nabadgelyo ah u dhacday iyada oo aanay jirin wax la sheego oo rabshad ama cabsi gelin ah oo la arkay. Dadka cod bixiyayaasha ahi sida badan waxay u codaynayeen iyada oo wax carqalad ahi aanay ka hor imanayn. Goobjoogayaasha gudaha iyo wakiillada xisbiyadu way joogeen waxa aanay si habsami leh u wateen hawshooda iyada oo wax carqalad ah aanay la kulmayn inta badan goobaha codbixinta ee la booqday, in kasta oo aanu ognahay in ay jireen in mararka qaar ay dhacday in goobjoogayaal loo diiday in ay galaal goobo cod bixineed ama lagu amray in ay ka baxaan.

 

Waxa aanu sidoo kele la soconnaa tiro arrimo kele oo dhowr ah oo ay ka mid tahay sheegashooyin in dad da’doodu yar tahay ay codeeyeen; in si nidaamsan sirtii codaynta laga saaray marka la eego dadka u baahnaa in laga caawiyo codaynta; in shuruucda aan si isku mid

 

 

1

 

ah loo raacayn mararka qaarkood (marka lagu daro tirinta codadka lagu murmay); iyo joogitaanka iyo soo faragelin mararka qaarkood ka imanaysay ciidamada ammaanka ee qaar ka mid ah goobaha la booqday, in kasta oo goobjoogayaashu aanay arkin cabsi gelin baahsan.

 

Xaddidaadda ay xaddidnayd aqoonta doorashada ee dadka loo gudbiyay ayaa laga yaabaa in ay raad ku lahayd cod bixinta iyada oo cod bixiyayaashu ay u muuqdeen qaar aan hubin sida loo codaynayo, goobjoogayaashu waxa ay hoosta ka xarriiqeen warbixino sheegaya carqalado, tusaale ahaan sababay in la joojiyo cod bixinta magaalada Badhan ee bariga Somaliland.

 

Guud ahaan goobjoogayaashu waxa ay qiimeeyeen awoodda xirfadeed iyo hab-dhaqanka shaqaalaha doorashada oo guud ahaan ahaa mid wanaagsan, waxa aanu Somaliland ku hambalyaynaynaa qabashada doorasho guud ahaan ahayd mid si nabadgelyo ah ku dhacday isla markaana si wanaagsan loo nidaamiyay. Goobjoogayaashu waxa ay soo saari doonaan warbixintooda kama dambaysta ah qaybta hore ee sannadka 2018 ka.

 

 

 

 

 

Qoraal ku socda Saxaafadda

 

  1. Haddii aad rabtid in aad waraysi dheeraad ah la yeelato mid ka mid ah kooxda isku xidhka goobjoogayaasha, fadlan la soo xidhiidh Conrad Heine (Isku xidhaha xidhiidhka warbaahinta ee Goobjoogayaasha Caalamiga ah)

 

adigoo kala xidhiidhaya 0634685255 ama ieosomalilandmedia@gmail.com. Sawirro ayaa iyagana laguu hayaa.

 

  1. Somaliland waxa ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda ay ka qaadatay Soomaaliya sannadkii 1991 ka dib markii ay burburday dawladdii Soomaaliya. Ilaa hadda si caalami ah looma aqoonsan.

 

  1. Goobjoogayaasha waxa lagala socon karaa mareegta Somaliland Focus UK: somalilandfocus.org.uk, @SomalilandFocus iyo www.Facebook.com/EOMSomaliland2017

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2

Advertisement

Ku Xayeysiiso