‘Murrashaxiinta yaa aqoon iyo khibrad u leh inuu Dhiso Ciidan Qaran oo awood leh?’ Wasiir Kaysar Cabdillaahi Maxamed

 

Hargeysa (ToggaHerer)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed, ayaa ka hadlay cidda ugu mudan saddexda murrashax Madaxweyne ee u tartamaysa xilka madaxweynenimada Jamhuuriyadda Somaliland ee horumarin ku samayn karta ciidammada kala duwane ee qaranka.

Xisbiyada siyaasadda qaarkood ayaa ballanqaadyo ku saabsan ciidammada ku ololeeyeen muddadii ay socdeen isu-soo-baxyadii axsaabtu ugu diyaargaroobaysay doorashada codbixinteedu qabsoomayso 13 November. Haddaba, Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed ayaa si farashaximo leh u soo bandhigay duruufaha waaqiciga ah ee ciidammada kala duwan ee Qaranka iyo murrashaxa wax ka qaban karaya baahiyahooda ee aqoon iyo khibradba u leh iyo kuwa ka dhigayana olole mala-awaal ah.

Qoraal Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed uu arrintan kaga hadlay oo uu ugu togalay warbaahinta, waxa uu u dhignaa sidan;

“Waa Kuma Askarigu ?

Dhisidda Ciiddan Qaran oo casri ah, awood leh oo horumarsani waa Himiladeena, yaase dhisi kara?

Inkasta oo ay habboonaan lahayd oo aan jeclaan lahaa in ku ololaynta arrimaha Ciiddanka laga dhex saari lahaa ololihii xisbiyada oo ay ku qurux badnaan lahayd in hoggaamiyaha ay ummaddu doorataa uu guto waajibka ka saaran Ciidamada. Nasiib-darro taasi ma dhicin waxaana xisbiga WADDANI uu si caddaan ah oo mala-awaal iyo khiyaali ku dhisan ugu ololeeyay arrimaha Ciidanka iyaga oo xataa sheegay in 250% ay kordhin doonaan mushaharka Ciidamada.

Haddaba, iyada oo la ogyahay in masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay cay u yaqaanaan askaranimida, waxaan jecelahay inaan si cad uga hadlo waa kuma askarigu? Yaase daryeeli kara? Yaa aqoon iyo khibrrad u leh inuu dhiso Ciiddan Qaran oo awood leh?

Inta aynaan su’aalahan ka jawaabin waxaan jecelahay inaan halkan ku iftiimiyo in aan ku soo koray guri askari, Allah ha u naxariistee Aabahay Cabdillaahi Maxamed waxa uu ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka, waxaannu mar walba ahaa askari daacad u ah dalkiisa oo nagu soo koriyay nolol xalaal ah oo ku dhisan isku kalsoonaan iyo aaminsanaan wanaaga dalka iyo sharciga. Xaafadda Leynka Millatariga ee Hargeysa oo boqolaal askar ah iyo carruurtoodu ay degenaayeen waxay ahaayeen dad duruuftooda dhaqaale ay hoosaysay, laakiin ku noolaa sharaf iyo is jacayl carruurtooduna ay ka dadaal badnayd, kana horreysay kuwa tujaartu ay dhasho.

Askarigu waa geesiga aynu dhiiggiisa iyo dhididkiisa hoos hadhsano ee heegganka u ah inuu naftiisa u hibeeyo si aynu innagu ugu noolaano nabad iyo barwaaqo. Waa ayaan-darro in madaxda xisbiga WADDANI ay si dheeldheel ah oo tiiqtiiqsi ah ugu ololeeyaan arrimaha ciidanka iyaga oo aan waxba ka ogayn waxna ka garanayn arrimaha Ciidanka iyo duruuftiisa, aqoona u lahayn sida Ciiddan loo dhiso.

Xaggee ayey joogeen madaxda WADDANI iyo UCID maalmihii qadhaadhaa ee ummadani ay soo martay, muddadii 26ka sannadood ahayd ee ay Somaliland jirtay maxay ka ogaayeen dariiqa uu ciidankeenu soo maray iyo heerka fiican ee uu maanta joogo iyo tallaabada loo baahanyahay in la qaado si loo sii dhiso qalab ahaa, tiro ahaan iyo tayo ahaanba iyo daryeelka guud ee xubnaha Ciidamada kala duwan.

Sida xaqiiqdu tahay saddexda hoggaamiye ee maanta tartanka ku jira murrashaxa ugu habboon uguna aqoonta iyo waayo-aragnimada badan arrimaha Ciidanku waa Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi.

Mudane, Muuse Biixi Cabdi waa khabiir ku Xeel-dheer arrimaha Millatariga, waana sarkaal sare oo waddamada Maraykanka iyo Ruushka ku qaatay waxbarasho sare, sidoo kale waa geesi kaalin weyn ka soo qaatay xorrayntii dalka iyo aasaaskii dhismaha Ciidamada Somaliland ee bilowgii ilaa iminka oo xisbiga KULMIYE ee uu hoggaamiyaa uu dalkeena ka taliyo.

Mudane, Muuse Biixi waa murrashaxa keliya ee si fiican u garanaya duruufaha kala duwan ee ay Ciidamadeenu ku sugan yihiin, sidoo kalena fahamsan ee ay u muuqato sida wax looga qaban karo, wuu la noolaa oo la joogay oo jid la maray oo jidiin la cunay askarteena ilaa aasaaskoodii ilaa iminka.

Ciidammadeenu way ogsoon yihiin in Muj. Muuse Biixi uu yahay masuul fahamsan duruuftooda, isla markaasna ay ka go’an tahay inuu dhiso Ciidan Qaran oo tayo leh oo tiro ahaan, aqoon ahaan iyo saanad ahaanba Awood buuxda u yeesha difaaca dalkeena iyo ilaalinta xuduudaheena Cirka, Dhulka iyo Badda.

Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ballan ku qaaday inuu dhiso Ciidan daryeel buuxa haysta oo duruuftooda uu Qaranku xambaarto, tiro ahaan iyo tayo ahaan, tababar ahaan iyo qalab ahaana la dhisi doono ciidamadeena Geesiyaasha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) muddada uu hoggaanka dalka hayey waxa uu dhisay Ciidamo haybad leh oo Darajo leh, aqoontoodana kor loo qaaday, waxaana la sii ballaadhin doonaa quwada Ciidamadeena haddii uu xisbiga KULMIYE ku guulaysto doorashada 13ka November.

Waan hubaa in Ciidamadeenu aanay dheg u dhigi doonin ballanqaadyada madhan ee ay xisbiyada mucaaradku u samaynayaan Ciidamada.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso