Colombia oo Qabatay Shixnadii ugu badnayd ee Daroogada Kookeyn ah Taariikhdeeda

Madaxwaynaha Colombia Juan Manuel Santos ayaa sheegay in bilaysku  ay qabteen 12 tan oo ah kookayn ah taas oo uu ku sifeeyey Mukhaadaraadkii ugu badnaa abid ee la qabtay taariikhda dalka.

Bilaysku waxay heleen qadar weyn oo dhulka hoostiisa ah ka dib markii qiyaastii 400 nin oo la-dagaallanka maandooriyaha ay la wareegeen afar beerood oo ku yaalla aagga beeraha muuska ee gobolka waqooyi-galbeed ee Antioquia.

“Marnaba ka hor may dhicin intii aanu bilownay in ka badan 40  la dagaallanka maandooriyaha in aanu helno Qadarka intaa leeg” ayuu Santos u sheegay suxufiyiinta.

Santos ayaa intaa raaciyay in wadarta guud ee la qabtay sanadkan ay ahayd 362 ton, taasoo ka sareysa wixii horay loo qabtay sannadkii hore waxaana lagu qiyaasay 317 tan.

Bilayska ayaa ku qiyaasay qiimaha Daroogadan  cusub ee la qabtay qiyaastii $ 360 milyan.

Waxayna sheegeen in daroogada ay leeyihiin Dario Antonio Osuga oo loo yaqaano Autonil oo ah Cisaabad ka ganacsiga daroogada ugu weyn dalka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso