War Saxaafadeed Doorashada Somaliland: Bayaan Ay Wadaaagan Hay’adaha Caalamiga Ah.

War Saxaafadeed

 

Doorashada Somaliland: Bayaan Ay Wadaaagan Hay’adaha Caalamiga Ah.

 

 

9 November, 2017

 

 

 

Wafdi heer sare ah oo ka socda hay’adaha caalamiga ah ayaa booqan doona 12-ka ilaa iyo 14-ka bisha November Hargaisa, Somaliland.

 

 

Ujeedada booqashadu waa in anu muujino wadidda ka qaybgalka iyo dhiirigelinta xooggan ee geedi socodka ku-meel-gaadhka ah ee dimuqraadiyada Somaliland iyo in taas macnaheedu yahaay in ay doorasha madax-banaan, oo loo dhan yahay. laguna kalsoonan karo oo daahfuran ay ka dhacdo Somaliland 13ka Bisha November.

 

 

Wafdigan heerka sara ah maahan wafid indha-indheynta doorashada Somaliland mana matalaan gudi qas ah oo kormero doorashada madaxweynaha ee Somaliland.

 

 

Wada-hawalgalyaasha Caalamiga ah waxaay ku qanacsan yihiin horumarka diyaarinta doorashooyinka waxayna ku boorinayan in ay Guddiga Doorashooyinka Qaranka sii wadaan shaqadooda wanagsan. Waxay sidoo kale ugu baaqayan xisbiyada siyaasadda inay ka qaybgalan doorashooyinka si habboon o nabadad ah. Marka la eego qaabka iyo nidaamyada sharci ee la dejiyaay, si ay u hoggaansamaan go’aamada hay’adaha madax banana iyo inaay siyaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka waqti iyo nafaaska ay ubaahan tahay marka codbixintu dhamaato si ay natijada ugu dhawaaqan. Waxay sidoo kale ku boorinayan dhamman daneeyayasha in ay ixtiraaaman doorka saxaafadda ama warbaahinta ee wargelinta dadweynaha iyo si kor loogu qaado daahfurnaanta iyo kalsoonaanta geeddi-socodka doorashada.

 

 

Waxaay sidoo kale aaminsan yihiin in doorashadani ay tahay mid fursad u leh Somaliland inay xoojiso aqoonisgeeda dimuqraadiga ah ee horumarka faa’iidada Somaliland.

 

 

Qoraalkan waxaa saxiixay wadamada kala ah: Belgium, Denmark, the European

 

Union, Finland, France, Germany, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom and United States of America

Advertisement

Ku Xayeysiiso