Codbixiyuhu Waa Siiyasiga Maqla Weedhaha Diifta Badan iyo Weedhaha Dheefta Leh

Codbixiyuhu Waa Siyaasiga Maqla Weedhaha Diifta Badan Iyo Weedhaha Dheefta Leh.

Hoggaamintu waa farshaxan-dhigaya waxa aynu doonayno in sida saxda ah ee ku haboon la innoogu qabto, mana’aha wax la taaban karo, balse, waa mid wax laga barrankaro, sidoo kalena, waxa aynu Dimuquraaddiyada ka soo qaadanay habka loogu tartamo siyaasadda awoodda talada dalka, dadkuna ay ku doortaan hoggaamiyihii ku hoggaamin lahaa nidaamka siyaasaddeed ee u dejisan dalkeena, iyadoo loo maraayo awooddaa siyaasaddeed iyo nidaamkaa siyaasadeed ee la doortay uu ku baddelo xukuumadda hab-doorasho oo xor iyo xalaal ah.

Waxa maanta Aduunka ka jira Madaxweyneyaal amma hoggaamiyayaal badan, balse aad bay u yar yihiin inta hoggaamiye ahi, inkastoo haddana lagu tilmaamo dhabbadii guusha ay ku gaadheen hoggaamiyeyaashii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ay ahaayeen kuwo dadkooda u muujinayey qadarin, iyagoo tusayey halka loo socdo ee bar-tilmaameedku uu ahaa, xeel-dheeri, xullasho sare, oo aan waligood is dhiibin, korna u hadla, taasi maaha macnaheedu, lamana odhan karo haddii uu soo jeediyo khudbad ay dadku wada jeclaystaan ammaba kawada qoslisa.

Laakiinse, waxa ay ahaayeen kuwo qeexayey maxsuulka oo aan sifeyneyn, isla markaana innoogaga tagayey dadkeena iyo dalkeena jamhuuriyadda Somaliland oo horumarsan, taasinay waxay noqotay dhaxalkii ay inoogaga tageen Hoggaamiyayaashii Toganaa ee soo maray mansabka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kalena, may ahayn kuwo ay dadku ku raacayeen cunfi, qabiil, magac, balse waxa ay ahaayeen kuwo laga dheehan karayey inay lahaayeen, isku kalsooni, daacadnimo, run-sheegnimo, hawl-karnimo, indheer-garadnimo, waayo-arragnimo xirfaddeed, Xeeladdeed, Xikmaddeed, Aqoon, Dhaqan iyo Diin, kuwaasoo, had iyo jeer ka fikiraayey inay inoo abuuraan rajooyinkii guusha aynu ku gaadhi lahayn, iyagoo hagaajinaya horumarkeena, waxa ay awood innoo siiyeen fursaddo xirfaddeed oo aynu ku soo hooyney hadafkii aynu hiigsanaynay ee aynu aaminsaneyn.
`
Waxa ay aaminsanaayeen haddii wax la qabto inay ka sii fiicnaan doonto wixii la hore loo sii qabtay, diyaarna u ahaa inay haggaajiyaan war-biximaha had iyo goor ku soo noqnoqonayey, inta badan waxay dareensanaayeen oo maskaxdana ku hayey muddadii koobaneyd ee ay xilka hayeen marka ay dhamaato muddo-xilleedkoodaasina ay ixtiraamayeen, innay si xaq ah ugaga deggaan xilkii loo igmaday iyagoo u hoggaasanaa sharciga , isla markaana waxa ay abuurayeen hoggaamiye wanaagsan.

Halka hoggaamiyayaasha tabana inta badan lagu tilmaamo innay maskaxdooda ku jirto, sidii ay dadka kale ugaga helli lahaayeen war-bixino dantooda ah, isla markaana, war-bixintaas gaarka u ahi war-celintoodu ugu war-wareegi lahayd dadka kale, amaba khiyaameynayey saaxiibaddood oo tuurayey, amaba ku abuurayey niyad jab iyo innay ahaayeen kuwo abuurayey dad raacsan oo kaliya.

Dhinaca kale, marka aynu eegno hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsan waxa ay qayb ka tahay hoggaaminta wanaagsan, sababtoo ah, koritaanka dabeecaddeed ee aadamuhu waxay qaadataa muddo-dheer, inkastoo aan la garan Karin qiyaasta saxda ah ee ay hore-umarto, haddana, waxa lagu qiimeeyaa akhlaaqda iyo anshaxa guud ee uu qofku u muujiyo dadka kale, taasi waa innagu abuuraysa innaynu sawiran karno waxa ku sugan maskaxaha murrashaxiinta u tartameysa hoggaaminta talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxay noqon karaan hab-dhaqanka awooda aadamaha ee aqoonteeda wax-barasho aadka u sareysaa kuwo awood leh ama daciif ah, kuwo wanaagsan amaba xun, taasoo, aynu ku qiimeyn karo qofka leh hab-dhaqan awoodeed oo haddana ay dabeecadiisu wanaagsan tahay innuu yahay hoggaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba ku hagi kara mustaqbalka waxa ay aaminsan yihiin, inkastoo, tamarta dabeecadu ka timaado maskaxda, halka, tamarta hab-dhaqankuna ay ka timaado dareenka wanaagsan.
Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland waa ka qayb farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax qabad toosan iyo caqli wax-ku-ool ah, habka barshada, baadhida, tijaabinta, u kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira dunida.
Inkastoo, mar loola jeedo siyaasaadd, dhinaca awooddaha iyo ujeeddada nolosha dadweynaha ama nidaamka ujeeddada ururrada, taasoo tilmaamaysa arragtida maamulka xisbiyadda siyaasaddeed ay isku maamulaan ama ay ugu hoggaasanaadaan siyaasadda maamulka dowladda, marna, ay tahay go’aan ama hadal ujeedo leh, sida; siyaasadda dadka, ururrada, kooxo, tiro qawaaniin ah oo lagu xisaabtamo amaba ay tahay mabda’a hanuuniya go’aannada.
Laakiinse, Fahamka ama marka loo isticmaalo sifo ka duwan sifaha aynu kor ku soo sheegnay, sida maanta innooga muuqata qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee ku loolamaya tartanka doorashada madaxweynaha, waa Siyaasadd Taban, waana farshaxan illaaq ah, danno loo eekaysiiyey in lagu tartamaayo mabaadi iyo hoggaamin, taasoo loogaga faa’ideysanaayo danno gaar ah, danaha-caamka ah ee guud.
Waxa iyana sidoo kale barbar socda Siyaasadda Togan, Siyaasiyiin ama Wasiiro, kuwaasoo ah siyaasiga haysta xafiiska guud ee ugu mudan Qaran- dowladeed, ama sarkaal loo qaabeeyey arrimaha muwaadiniint oo loo carbiyey cilmiga siyaasadda, kuna shaqeeya xirfadda maareynta arrimaha muwaadiniinta, waxa ay noqdaan siyaasiyiin Togan oo ka fikira jiilka soo socda, ama Siyaasiyiin Taban oo had iyo jeer ka fikira doorashadda soo socota oo kaliya, sida ay maanta innoogu muuqato wasiiro badan oo qaarkoodna shaqada laga caydhiyey sababa jiray awgeed iyo kuwo is casilay oo ku biiray xisbiyada mucaaridka ah, oo haddana xisbiga muxaafidka ku soo noqonayey.
Xisbiyada siyaasaddeed ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, waa kooxo nidaamsan oo isku duuban, kana mid ah dadweynaha, kuwaasoo leh fikir iyo ujeeddo isku mid ah oo qaabeysan, waxaanay u diyaarsan yihiin sidii murrashax ay dadweynuhu soo doorteen uu ugu guulaysan lahaa awooda talada dalka, inkastoo xisbiyadda qaarkood ay ku mashquulaan kooxo danno gaara leh oo dhaq-dhaqaajiya bulshada, isla-markaana jeclaysta innay awoodda siyaasaddeed ee dalka kula wareegaan hab doorasho ama hab kacdoon, laakiinse, haddana xisbiyada qaarkood ma jeclaystaan kooxahahaasi danaha gaarka ah leh, sababtoo ah, waxay ka lumiyaan ujeedada illaalinta awoodda qaran iyo xakameynta geedi socodka siyaasadda guud ee u dajisan Dastuurka iyo habka sharcigu u siiyey qaab-dhismeedkooda shaqo.

Laakiinse, siyaasiyiinta xisbiyada qaarkood waxay u haystaan siyaasaddu in ay tahay farshaxan qabow oo lagaga urursanaayo tijaarta kharashka tar-tanka ollolaha, codkana dadka saboolka ah, qaar kalena, waxay u haystaan, hab lagu day-dayo xanuunka, inkastoo ay helli ogyihiin ha jirto ama yaanay jirinbee.

Badweynta siyaasadda, dumuquraadiyadda, xisbiyadda, gabi-dhaclaynta dadka xanbaarsan siyaasadda togan iyo ta taban, Inkastoo aynaan ku soo koobi karin qormo keliya, waxaan maxsuulka qormadaydan ku iftiimin lahaa waa sida dadka qaar ay aaminsan yihiin, in Siyaasigu uu yahay Dadka (cod-bixiyaha), sababtoo ah waa kuwo arka dhamaadka kaaha ka iffaya hogga, waanay u soo baxaan iyagoo dooranaya Hoggaamiye Togan, murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasaddeed ee ugu tartamaya innay hoggaamiyaan talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kuwaasoo, dadka qaarkoodna ay ku qiimeeyaan weedhihii diifta badnaa, halka, kuwo kalena weedhihii dheefta lahaa ee ka socday hareeraha xayn-daabka ay ku xeersanaayeen soona gaadhayey qaybta keydka xog-ururineed ee maskaxaha Dhageystayaasha, Daawadayaasha, Akhristayaasha iyo Qorayaasha, kuwaasoo kaga fal-celiya innay u noqdaan gaadh iyo gabood, halka kuwo kalena ay u soo qaataan tusaale iyo masaal.

Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso