Weerar Nin Hubaysani Ku Xasuuqay Dad badan oo ku Sugnaa Kaniisad Dalka Marykanka

Weerar toogasho ah ayaa ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadanka Mareykanka ee Taxes.

Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen toogasho ka dhacday gudaha Kaniisad kutaal gobolka Texas, goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ruux hubeysan uu gudaha ugalay Kaniisad islamarkaana uu dilay dadkaas.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in rasaas xooggan laga maqlay degmada Sutherland oo qiyaastii 30KM magaalada caanka ah ee San Antonio.

War kasoo baxay FBI-da Mareykanka ayay ku sheegeen in Ninkii weerarka geystay laga helay gaadhigiisa isaga oo mayd ah lamana garanyo inuu iagu is-dilay iyo in kale.

Madaxweyne Trump oo ku sugan wadanka Japan ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in uu la socdo wixii dhacay islamarkaana ay baadhitaanno wadaan cambaareeyeyna weerarka.

Guddoomiyaha Gobolka Texas ayaa sheegay in weerarkan uu yahay midkii ugu xumaa ee Abid ka dhaca gobolkiisa wuxuuna ugu baaqay Booliska in ay sameeyaan baadhitaanno dheeri ah.

Warbaahinta gudaha Mareykanka waxay sheegtay in Toogashada ka dhacday kaniisadda Sutherland ay tahay middii ugu khasaaraha badneed taariikhda inta la ogyahay ee Kaniisad lala beegsado.

Advertisement

Ku Xayeysiiso