Twitter: Khalad Aadame ayaa Cadilay Xisaabta Twitter-ka Trump

Shirkada Twitter-ka ayaa sheegtay Xisaabta Madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu u joogsaday Si Aan ula kac ahayn ka dib Khalad mid ka mid ah shaqaalaha Shirkadu geystay waxaanu ka istaagay Shaqada 11 daqiiqo ka hor inta uusan soo laaban sida laga soo xigtay Reuters.

“Horaantii maanta xisaabta RealDonald Trump ayaa istaagay si qaldan sababtoo ah qalad uu sameeyay qof shaqaale Twitter-ka ah,” ayaa shirkaddu ku qoray barteeda tweet.

“Waxaan sii wadeynaa baadhitaanka waxaananu qaadaynaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan dib ugu dhicin,” ayay tidhi iyadoon la sheegin ciladda khaladaadka uu geystey shaqaalaha.

Isticmaalayaasha ayaa la yaabay intii lagu jiray raadinta xisaabta Trump, iyadoo fariin aan caadi ahayni sheegaysay “boggu uusan hadda jirin”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso