Fariin Adiga Kugu Socota….W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alle (SW) Wuu Ina Dhamaystiray, Kadib Wuxuu Inagu Uumay Dunidan, Waxuuna Inoo Dhiibay Maamulkeeda Iyada Oo Dariq Toosan Laynagu Hagay Oo Dastuur Tafatiran Laynoo Soo Dejiyay.

Bal U Fiirso Xadiiskan Waxa Laga Wariyay Nebigeena Muxamad (NNKH) :

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه و سلم “كُلُّ سُلَامَى مِنْ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ تَعْدِلُ بَيْنَ اثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَتُعِينُ الرَّجُلَ فِي دَابَّتِهِ فَتَحْمِلُهُ عَلَيْهَا أَوْ تَرْفَعُ لَهُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالْكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَبِكُلِّ خُطْوَةٍ تَمْشِيهَا إلَى الصَّلَاةِ صَدَقَةٌ، وَتُمِيطُ الْأَذَى عَنْ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ”.

[رَوَاهُ الْبُخَارِيُّ]
، [وَمُسْلِمٌ].

XILKA SAARAN XUBNAHA QOFKA
Waxaa laga weriyey Abuu-Hureyra (Allaha ka raalli noqdee), inuu yiri: Rasuulkii Alla (s.c.w.) wuxuu yiri: Xubin kasta oo aadamiga ku taal, waxaa kordeeda ah sadaqo, maalin kasta. Marka haddaad laba qof oo dirirsan heshiisiiso sadaqo ayey kuu tahay, haddii aad qof dhibaateysan sida ruux curyaan ah ku gargaartid gaadiid fuulidda oo ku taageertid in uu fuulo ama qalab dhulka ka yaal aad u soo qabato waxay kuu tahay sadaqo, hadalka wanaagsan waa sadaqo, tallaabo kasta oo aad salaad u qaaddid waa sadaqo, haddii aad jidka waxa dadka dhibaya aad ka leexisid waa sadaqo.
Waxaa weriyey al-#Bukhaari iyo #Muslim.

Xadiiskan Wuxuu Ka Hadlayaa Xilka Saaran Qofka Aadamiga ah In Xubinkasta Oo Kamida Xil La Saaray.

Ogow Hadaba Xilka Saaran Xubnahaaga Guud Ahaan Waa kamid Nabada, Amniga ,Nasteexada, Nolosha San, Toosinta, Baraarujinta , U digida Iyo Ilaalinta Guud Ee Dalkaaga.

Waa Muhiim Inaad Ka Shaqaysaa Ku Qancinta Dadkaaga Nabada Iyo Qiimaheeda, Waayo Amni Laaantu Noloshaada Iyo Diinta Midna Uma Fiicna.

Qofka Ka Shaqeeya Ilaalinta Laamaha Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Dalkiisa, Sidookale Gacan Siiya Dadka Uxilsaaran Amniga Iyo Salmiga Inuu Ajar Ka Helayo Xaga Alle (Sw).

Anigoo Ah Muwaadin Jecel Dalkiisa, Dadkiisa Iyo Diintiisaba Waxaan Qofkasta Oo Garaadleh Ama Muwaadin Reer Somaliland Ah Waxaan Ku Baraarujinayaa Ilaalinta Iyo Dhawrida Amaanka.

Isaga Oo Kaga Qayb Qaadanaya Qodobadan:

#Siyaasada Oo Uu Ufahmo Inloo Socdo Jiho Isku Mid Ah Balse Xisbiyadu Wadooyinkala Duwan Uun Umarayaan. Sidookalena Ogaado In Aanay Jirin Wax Is hayn ah Siyaasinta Dhexdooda, Ee Keliya Ay Fikirka Ku Kala Duwan Yihiin.

#Ololaha Oo Aan Fawdo Iyo Qas Lagaga Qayb Qaadan, Balse Looga Qayb qaato Si Salmi Ah Oo Bilaa Xanaf Ah. Qofkii Khaldana La Toosiyo Si Xushmad Leh.

#Allah (sw) Oo Laga Baqo, Lagana Waantoomo Oo Laga Fogaado Wixii Fusuq Keenaya. Dumarka Iyo Caruurtana Markasta Laga War Hayo Ficiladooda Lana Saxo Wixii Khaldan.

#Wacyi Gelin Qofkastaaba Intuu Ka Gaadho Bulshada Aan Feejignayn Uu U Iftiimiyo Nabada Iyo Qiimaheeda Iyo Sida Loo Ilaashado Isagoo Diinta Ugu Nasteexaynaya.

#Iyada Oo Laysku Ixtiraamayo Kala Duwanaanshaha Fikirka Ee Kala Taageerida Xisbiyada Oo Noqonaysa Xornimada Qofka Cidna Aan La Jujuubin. Taasoo Keenaysa In Qoys Keliyi Ka Kala Muuqdo Xisbiyada.

#Ugu Dambayn Qofkasta Waxaa Waajib Ah Inuu Yaqiinsado inuu Yahay Muwaadin Reer Sonaliland Ah Dalkiisuna Xaqdhawr Ka Rabo. Ciideena Iyo Calankeenuna Ay Inaga Doonayaan Inaan Waxkasta oo Danno Shaqsiya Aan Ka Horaysiino Somaliland Nimada Wada Lahaan Shaheedana Aan Ilaalino.

 Ogow Dalna Dal Ma Daryeelo.

 Cidkalena Kuuma Maqna.

 Adigu Noqo Diranaha U Diran Tiisa.

#UguHoraynSomaliland

#GuulIyoGalad_Somaliland

                                              ……Wabilaahi Tawfiiq……
W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.
Mob: +25263 409 48 55

Advertisement

Ku Xayeysiiso