Haweeney Pakistaniyad ah oo isku dayday inay sumayso ninkeeda oo dishay 15 qof

Haweenay Pakistaaniyad ah oo aan ku qanacsanayn guurka ninkeeda ayaa dishay 15 qof markii ay isku dayday in ay ninkeeda sumayso iyada oo caano ugu dartay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Mazhar Karah ee gobolka Punjab ee Pakistan sida ay Qortay Wargeyska Daily Pakistan gabadhan Asiya Bibi ayaa lagu qasbay inay guursato Ina-adeerkeed Amjad Lashari bilo kahor inkastoo ay jecleyd nin kale oo magaciisa lagu sheegay Shahid.

Aasiya kuma ay faraxsanayn guurka ninkeedana si joogto ah ayay isu dagaali jireen waxayna isku dayday in ay ku laabato guriga aabbaheed se waa la soo celiyey sidaa daraadeed gabadha ayaa go’aansatay in ay ninkeeda khaarajiso iyada oo sunta jiirka ugu dartay caanaha se ninku macabin caanihii .

Dabadeed hooyadeed oo aan ogayn ayaa ku diyaarisay cocktail qabow caanihii waxayna siisay koox marti ah intii ay socotay xaflad casho ah 26-kii October, waxaana ku sumoobay 27-qof, Waxaana ku dhintay 15 ruux cusbitaalka oo ay ku jiraan Ninkeedii Amjad.

Intii lagu guda jiray baadhitaanka Asia waxay qirtay in ay doonayso in ay guursato nin kale laakiin loo guuriyey Ina Adeerkeed waxayna qaadatay Qorshaha Dilka waxayna sheegtay in Shahid u dhiibay Sunta.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso