Ruushka Oo Xukun ku Riday Nin Xaday sirta Qaranka!!

Qof deggan gobolka Khabarovsk ee Bariga Fog ee Ruushka oo ka shaqeeya xafiiska difaaca gobolka ayaa lagu xukumay 4.5 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi khiyaano ah.

War ka soo baxay xafiiska Nabad sugida dalka Ruushka (FSB) ee gobolka, maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay xoriyadda dhaqdhaqaaqiisa lala socda sanad kadib markii xabsiga laga sii daayo.

Sida laga soo xigtay baadhitaanka ninka 26 jirka ah ayaa xaday macluumaadka goobta uu ka kooban yahay sirta qaranka una dhiibay qof ajnabi ah.

Ka dib markii la soo xidhay waxa lagu qaaday iyada oo la raacayo qodobka Khiyaamada Qaran ee qaabka basaasida ee Xeerka Ciqaabta Ruushka.

Inta lagu jiray maxkamada eedaysanaha ayaa si buuxda u qirtay dembiga wuxuuna dalbaday cafis oo ay maxkamaddu tixgelisay markii la dhiibay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso