Wiilka Netanyahu: Anigu Ma Mari Doono Dariiqii Aabahay!!


Yair Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay inuusan dooneynin inuu raaco dariiqii aabihiis oo uu ku biiro arimaha siyaasadda.

“Anigu weligay ma gali doono nolol siyaasadeed … Waxaan ixtiraamayaa naf-hurnimadaadii Shacabka Israa’iil iyo dalka,” ayuu Wiilka Netanyahu u sheegay aabihiis, isaga oo u dabaaldegaya sannad guuradiisa 68aad xafiiskiisa Qudus.

Wasiirda arrimaha dibadda ee dalka Miri Regev ayaa markii ay u hambalyaynasay Ku tidhi waa inaad noqota ra’iisal wasaare sannado badan, waanan ku jeclahay.”

“Waxaan xasuustaa maalintii lagu dooratay 1996-kii waxay u egtahay in aad wali da’yar tahay,” waxaana sidaa ugu hambalyeeyay Xubinta Knesset David Betan. “Sannad kasta waxaan isweydiiyaa da’daada, waxaa la ii sheegay in aad 60 jir tahay ma rumaysan karo … waxaan ku xasuustaa tan iyo markii aad ahayd Hogaamiyaha Xukuumada oo Dhalinyo ah “.

“Kuma dhiirigalinayo caruurteyda in ay soo galaan majaalka siyaasada sababtoo ah way adagtahay,” ayuu yidhi, isaga oo ka hadlaya mustaqbalka carruurtiisa.

“Waxaan u maleynayaa in mid ka mid ah wiilashaydu rabo inuu galo arrimaha siyaasada,” ayuu yidhi, laakiin ma uusan sheegin ka uu yahay.

“Waxaan rajeynayaa inaysan sidaa samayn doonin” ayuu yidhi Netanyahu.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso