Daawo: Madxweyne Xaaf Oo Si diirin loogu Soo Dhaweeyey Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho iyadoo..

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubno kale oo katirsan maamulkiisa ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xaaf iyo Xubnaha la socda waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka xubno kamid ah labada Aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa Magaalada Muqdisho u yimid si uu uga qeyb galo shirka la filayo in maanta furmo ay yeelanayaan Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Waxaa goordhaw iyana la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha maamulaga Puntland iyo Jubbaland, waxaana horey Muqdisho u joogay Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso