Sarbeeb Siyaasadeed oo ku socota musharxiinta Wadani

Sarbeeb Siyaasaddeed Oo Ku Socota Murrashaxiinta Xisbiga (WADANI)
10th -Oct-2017

Faysal Cali Waraabow, Murrashaxa Madax-weynaha Xisbiga WADANI maaha Bisad ama Bisad weynaatay ee waa qalab sameynaya dhaqdhaqaaq iyo cod.

Haddaba, Inkastoo aanay dareen iyo wax-fikrad ah u lahayn  shaqsiyaddaada, haddana waa wax lala yaabo oo aad  u cajiib ah, marka ay la wadaageyso dadka waaweyn dhinaca madadaalada iyo weheshiga.

Waa qalab sameynaya dhaqdhaqaaq iyo dhawaaq codeed, waxaana loo sameeyey maskax yar oo lagu kaydiyey barnaamijyo aad u xiiso badan, sida; Ruwaayaddo, sheekooyin, khudbado iyo dhacdooyinka aflaanta muuqaal arraga oo kale, isla markaana qalabkaas waxa uu jilayaa hadba dabeecadaha nooca uu u eeg-yahay xayawaanada dab-joogta ah.

Ka fikirka hindisaha qalabkan cusub iyo sameyntiisa waxa ka shiray saynisyahano kala duwan, ka dib markii aqoonyahano ku taxa-luqa daryeelka caafimaadka iyo daaweynta xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn ay u gudbiyeen saynisyahanadaas, war-bixino cilmi-baadhiseed oo ay ku ogaadeen in xayawaanada nool ee dab joogta ah ay ka waxtar-badan karto sameynta manoole dab joog ah, xaywaanadaas oo inta badan lajoogitaankooda dadka waaweyn  lagula tacaali jiray in lagu  dabiibo nooc ka mid ah xanuunada ku yimaada dadka da’doodu weynaato ee afka-qalaad  loo yaqaano, (Amnesia). 

Waxa kale oo war-bixinta cilmi baadhiseed si faahfaahsan loogu cadeeyey kala duwanaanshaha waxtarka xayawaanadda noolaha iyo manoolaha dab-joogta ah ay leeyihiin,  taasoo ay ku macneeyeen in  xayawaanadda noolaha dab joogta ahi  leeyihiin dabeecado kala gadisan iyo qorsheyaal la xidhiidha  hab nololeedkooda, waana kuwo leh xilliyo ay seexdaan, ciyaaraan, nastaan, mararka qaarkoodna waxay u baahdaan cunto iyo biyo ay cabaan,  taasina waxay caqabad ku noqotay dabiibkii ay ka heli lahaayeen  dadka da’doodu waynaato, waxaanay arrintaas ku sababeeyeen inay u baahdeen agjoogida xayawaankaasi in aanu mar qudhaata ka ag-maqnaan oo aanu ka ag-tagin.
Khubaradan  ku takhakhusay cilmiga sayniska ayaa markii danbe ku guulaystay inay sameeyaan manoole dab-joog ah oo leh, hadba dabeecadaha nooca xayawaanka dab-jooga ah ee ay u eegyihiin, sida;- Bisaddaha, bakaylaha, Fardaha, Sakaaradda, Daayeero, IWM.

Qalabkan manoolaha dab-jooga ahi waxa uu wax-weyn ka taray oo ku caafimaaday dad badan oo la ildarnaa nooc ka mid  ah xanuunadda ku yimaada dadka waaweyn ee la yidhaahdo xusuusla’aanta, ee afka-qalaadna  loogu yeedho, Amnesia.

Mana  jirto illaa iyo hadda daaweyn u gaar ah oo  lagu daweeyo xusuus la’aanta, balse waxa lagula tacaalaa  farsamooyin macquul ah oo ku salaysan waxyaabihii ay caanka ku ahaayeen wax u eeg iyo habab kale oo cilmiyaysan, taasoo usoo celisa xusuusashada dhacdooyinkii hore, keydinta xogaha cusub ee habka kaydinta xog-ururineed ee maskaxda.

Noocyada kala duwan ee xusuusla’aanta ee afka qalaad lagu yidhaahdo “Amnestic Disorders ” waxa inta badan sababa  dhaawac soo gaadhay qaybo ka mid ah kaydka xog-ururineed ee maskaxda,  mana aha oo kaliyaata xusuustii oo mararka qaarkood kaa lunta, laakiin waa mid joogta ah, taasoo lala  xidhiidhiyo  kaydkii xog ururineed oo lumay, isla markaana, uu abuuri kari waayo  inuu sameeyo keyd-cusub oo xog ururineed ama uu awoodi kari waayo inuu barto wararka cusub kala saaristooda.

Xusuusla’aantan waxa la moodaa in loola jeedo mid ka mid ah khasaaraha soo gaadha xusuusta,  laakiise, sida ay xaqiiqadu tahay dhinaca xogaha iyo waayo-aragnimada, kuma keento wax khasaaro ah guud ahaan nolosha dhabta ah  ee dhinaca aqoonta gaarka u ah, haddana waxa badanaaba ku adkaata inuu si cad uu wax u fahmo,  ama ay ku adkaato barashada wararka cusub iyo abuuridda  xusuuso hor leh oo cusub.

Inakastoo nooc ka mid ah xusuus la’aanta  afka-qalaad lagu yidhaahdo “ anterograde amnesia” lala  xidhiidhiyo  inay ku adkaato  xusuusashada khibradihii iyo dhacdooyinkii  dhacay ee la soo dhaafay, isla markaana, xaqiiqada dhabta ah ee mudadaasi ka soo barteen inuu ka warbixiyo, kana hadlo xogihii hore, waxa kale oo ay ku keentaa feejignaan la’aan iyo inuu ixtiraami waayo wakhtiga mudada u dhaxaysa, taas macnaheedu waxa weeyaan  ma awoodi karaan inay kuu sheegaan  haddii aad weydiiso  maanta todobaadka halkay kagaga jirtaa.

  Maxamed Faarax Qoti  

Advertisement

Ku Xayeysiiso