Kremlin: Samaynta shirkado gaar ah oo militariga ah ma’aha Qorshahayaga

Dmitry Peskov afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Ruushka ayaa sheegay in Arrinta Oggolaanshaha Shirkaddaha gaarka ah ee Milatari ee dalka Ruushka aysan ka mid ahayn qorshaha Kremlin-ka.


Mar uu ka jawaabayay Su`aal ay Wariyayaal waydiiyeen kuna saabsanayd Cadaynta Mawqifka Kremlin-ka ee arrinta aasaaska shirkaddo gaar ah oo militari ayna qortay wargeys ka mid ah kuwa waaweyn ee Ruushka Arbacadii kuna daabacday boggeeda hore ayuu sheegay Peskov:”Anigu ma akhriyin maqaalkan mana aanan arkin sidaas daraadeed ma garanyo waxaad ka hadlaysid, laakiin waxaan odahn karaa arrintan ma ahan qorshahayaga, waxbana kaama sheegi karo.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso