47 qof oo ku dhintay qarax Warshad oo ka dhacay duleedka magaalada Jakarta

Warar ka soo baxaya booliska Indonesia ayaa lagu sheegay in qarax ka dhacay warshad rashin oo ku taala duleedka caasimadda Jakarta ay ku dhinteen 47 qof sida laga soo xigtay Reuters.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in qaraxa uu sababay dhaawaca 46 kale iyo in ay daaweynayaan isbitaallada ku dhow.

Masuuliyiinta maxalliga ah ayaa horay ugu xaqiijiyay Metro TV in 30 qof ay dhinteen kadib markii qaraxu dhacay.

Xarun Caafimaad ayaa sheegtay inay dawaynayso 7 qof oo guashadoodu gaadhsiisan tahay ilaa 80% jidhkooda iyo 3 xaaladood ay tahay mid qatar ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso