26 jun iyo 18 May Maalmo Midba Waayaheeda Gaarka Ah Leh.

26 jun iyo 18 May Maalmo Midba

Waayaheeda Gaarka Ah Leh.

Asalaamu calaykum dhamaan reer Somaliland gudo iyo dibadba, Waxaan maanta qalinka u qaatay inaan ka hadlo rag kooban oo siyaasiyiin ah oo ka dhawaajiyey qorshahooda ku beegan sida loo xusi doono labadaa maalmood ee kor ku xusan, Iyagoo doonaya inay mataaneeyaan oo si siman loo wada xuso oo loogu dabaal dego.

Waxaad u moodaa inaysan ka fiirsan, Isagoo ku tilmaamaya inay 18 May gaar u tahay qolo gooniya, Hadaba waxaa isweydiin leh ninka sidaa u hadlaya jaahil ma‘ahee tolow xaguu joogay wakhtigaa oo uu ku sugnaa, Waxaa haboon in aan taariikhda la mala awaalin ee xaqiiqdeeda lay dul istaago, Maalintaa 18 May lagu qaatay

go’aanka la soo noqoshada madax banaanideenii lintay 26 Jun waxaa goobjoog ka ahaa madashaa inta wada degta Somaliland, laga yaabee in uu doonayey malaa in wax laga weydiiyo go’aankaa masiiriga ee umaddu gaadhay somaliya.

Somaliland waxaa leh masiirkeeda iyo aayo ka talinteeda muwaadiniinta ay ugu horeeyaan Salaadiinta, Siyaasiyiinta guud ahaan, Muwaadiniinta iyo Ciidanka habeen iyo maalin u taagan nabada dalkeena. Hadaba wakhtigaa isagu xaguu ku maqnaa?

Tan labaad 26 Jun waa maalin murugo ee ma’aha maalin farxadeed oo la qoslaa, Waa maalin qoomamo ee ma’aha maalin la qaado xeesaha qaraamiga, Waa maalin haboon in lagu xuso aamusnaan ee ma’aha maalin la saaro heesaha wadaniga, Waa maalin madaxtooyada somaliya looga dabaaldego sababtoo ah waa maalintii calankoodaa buluuga ah loogu hortaagay dhul soomaaliyeed iyagoo ka dhigaya inay tahay maalintii midowgii somaliyeed raadqaaday.

Dalka norwey ma xusaan oo uma dabaaldegaan maalintii xoriyadooda ee waxay aad ugu dabaaldegaan maalintii sharcigadooda la sameeyey.

Waxaan leeyahay labadaaa maalin waa laba maalmood oo aan lays barbardhigi karayn, Waxaana dabaaldeg iyo weyneyn iyo farxadba mudan 18 May oo ah maalintii ay dib u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland oo la taagay calankeeda gaarka u ah, Lakiin 26 Jun waxaan odhan lahaa ha lagu xuso maalintii qoomameynta oo debaal degeeda ha laga dhigo aamusnaan iyo murugo, M waxaa la arkay qof maalintii uu khasaaray u dabaal-dega mise maalintii aad mahdisay, AlxamduliLah Allah ayaa mahad gaara iyo mid guud ahba leh oo na waafajiyey go’aankaa maalintaa barakaysan ee 18 May 1991.

Waxaanan ku soo gabagabaynayaa maqaalkeygan waa in doorashada laga hormariyaa nabada, ka dibna xisbigii ku guulaysta shacabku u hambalyeeyaan oo la wada garab istagaa ninkaa Allah noo doortay.

Sharma’arke Maxamed Cumar Qoti

sheeq@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso