Ma la iibsan karaa Codkaaga?

Ma la Iibsan karaa Codkaaga?

Codkoo la iibiyaa waa amaano darro. Hadii loo kitaab dayona waa xaaraan oo aduunka korkiisa iyo aakhiraba ammaan kuma laha xisaabina way ka dambeyn.

Jamhuuriadda Somaliland waxa dhowaan ka bilowday ololahii doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Bilowga doorashada waxa ka horeysay dood loo qabtay murashaxiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka. Doodaas la qabtay oo warbaahinta si toos ah loogasoo tabiyey waxa lagu qiyaasaa in ka badan 4 milyan oo qof ay toos ula socdeen. Doodaas iyo hanaanka ololuhu ilaa imkika u dhacayaaba waxa ay soo jiiteen indhaha caalamka. Reer Somaliland waxay caalamka tuseen biseyl iyo mudakarnimo siyaasadeed oo meelo badan oo caalamka sedexaad gaar ahaan ka Afrika ka dhicin, waana wax Ilaahay lagu mahadiyo.

Laakiin waxa baryahan la isla dhex wareegayaa  in xusbiyada qaarkood ay damacsanyihiin in quruxdaa reer Somaliland ay muujiyeen dhooqeeyaan oo foolxumo iyo fadeexad usoo hooyaan. Wararkasu waxa waxa ay  sheegayaan in xusbiyada qaar ka mid ahii ay doonayaan in ay iibsadaan codadka muwaadiniinta. Tabaha la isticmaalayaa waxa weeyaanbaa la yidhi in ay card ka codeynta dadka ka qaadaan si aanu muwaadinku u codeyn karrin taa bedaalkeedana ay waxoogaa aduun ah  faraguudkood siiyaan.

Alla kama dhigee haddii sidaa wax u dhacaan oo falkaa cidi ku dhaqanto quruxdii aynu muujinay waxa ay noqonaysaa biyo col dhaanshay oo foolxumo iyo cambaarbay ino xambaarineysaa. Waa amaano darro. Haddii loo kitaab dayana waa xaaraan  aduunka korkiisa iyo aakhiraba la isweydiin doono.

Digniin:

  • Hadaba waxanu ka digaynaa in xisbiyadu aanay sidaa u dhaqmin oo codkooda si xalaal ah uga raadsadaan muwaadiniinta. Xusbiga caynkaas ku dhaqmaa waxa weeyaan mid aan isku kalsooneyn, sidaa daraadeedna ay xaaraan tahay in uu guuleystaa.
  • Muwaadinka iibiya codkiisa waa in uu ogaada in uu yahay nin amaano darro sameeyey. Amaanodaraduna waa xaaraan oo if iyo aakhiraba lama amaanin.

Allaa Mahad leh

Advertisement

Ku Xayeysiiso