Lix qof oo saarnaa markabka Jarmalka laga lahaa oo lagu Afduubtay xeebta dalka Nigeria

Shirkadda Jarmal ah ayaa sheegtay in lix qof oo shaqaale ah oo markab ganacsi oo ay lahaayeen la ay afduubteen budhcadbadeedda biyaha Nigeria.

Afhayeen u hadlay Peter Doehle Schiffahrts KG ayaa xaqiijiyay in markabka la weeraray subaxnimadii Sabtida isaga oo ku sii jeeday dekedda Nigeria laga leeyahay isaga oo intaas ku daray in budhcadbadeeddu ka dajiyeen Qaar ka mid ah shaqaalahooda markabka kuna qaateen Doon meel aan la garaneyn.

Dadka La Afduubtay maaha muwaadiniin Jarmal ah ayuu afhayeenku yidhi, sida laga soo xigtay Reuters, “dadka la afduubtay waa afar Filibiin ah mid Ukrain iyo Mid Hungary ah sida ay sheegeen masuuliyiin ka socda wadamadaas.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso