Tuug Boolis ah oo ay Qabteen Boolisku!!!!


15 askari oo bilays ah ayaa lagu xidhay dalka Mexico ka dib markii kamaradaha ilaalinta ay duubeen bililiqo ay geysteen maalmo ka hor.

Sawirada horaantii todobaadkan ayaa muujiyay rag bilays ah oo ka degaya saddex baabuur oo gawaadhida roondada ah ka dibna lagu arkay iyaga oo baadhanaya hantida maguurtada ah ka dibna sawirada lagu arkay iyaga oo wax sita saraakiisha ayaa sheegay in ay ku jiraan alaabooyinka ay qaateen Alaabta guryaha iyo shimbiro.

Xafiiska xeerilaaliyaha ayaa sheegay in saraakiisha bilayska lagu soo oogay baadhitaanno sharcidarro ah xatooyo iyo kufsasho awoodeed intii lagu jiray weerarkii dhacay Oktoobar 13keedii.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso