Danta Dalka ayaa ka weyn Xisbiyada

Danta dalkaa ka weyn Xisbiyada

W/Q: Guuleed Axmed Xaashi

 

Waxaynu ku kal duwanahay Xisbiyada aynu kala taageerno, waxa aynu ku kala aragti duwanahay Siyaasadda, waxaynu  ku kala duwanahay qabaa’ilka. Laakiin kuma kala duwanin jiritaanka Somaliland, kuma kala aragti duwanin in aynu u baahanahay dal barwaaqo ah oo muwaadinku ku helo xuquuqdiisa. Kuma kala duwanin dal nabad iyo xasilooni ka jirto. Xisbiyadana waxa lagu gaadhayaa uun helida inta aynu kor u sheegnay iyo inkale oo dhammaan wanaagsan.

Xisbiyaduna waxa ay ku kala aragti duwan yihiin uun sidii loo gaadhi lahaa Somaliland barwaaqo ah. Ma jiro Xisbi diyaar u ah in uu dalkan hoos u dhigo, mid waliba waxa uu raadinayaa Somaliland wanaagsan inkasta oo sidii loo gaadhi lahaa lagu kala aragti duwan yahay. Musharaxiintu maaha coday, waa saaxiibo iskaga keen dhow, inta inaga inoo muuqataa aad ayay u yartahay marka la eego xidhiidhka ka dhaxeeya Musharaxiinta tartamaya.

Musharaxa soo baxaa waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, noqon maayo  Madaxweyne Habar Awal, noqon maayo Madaxweyne Habar Yoonis noqona maayo Madaxweyne Ciidagale. Intii u codaysay iyo intii ka codaysaba waxa uu u yahay Madaxweyne . Hadalada iyo ficilada maantu taariikh uunbaa ka hadha, afka ayaynaan iska xumayn, cadaawad aan jirin ayaynaan dadka u horseedin, isku  dir iyo nacayb reeraha ka dhaxeeyana ayaan la abuurin . Maalinta Ololaha sidaad doonto u dabaal dag, ixtiraam maalinta kuwa kale, xaafadiina ha u diidin calamaanta iyo xafiisyada  Xisbiga aanad taageersanayn, ogowna waxa ugu weyn ee aad musharaxaaga u tartay in uu yahay codka aad maalintaa bixisay.

Cadaw badan oo gudaha iyo dibadaba jooga ayaynu leenahay, waxa ay hadh iyo habeen ku fikiraan sidii dagaalo iyo qalalaase la inoogu soo dhax tuuri lahaa, waxay ku fikiraan in aynu la mid noqo walaalaheen Soomaaliya Illahay dhibta haka dul qaadee, waxa ay ka naxaan wanaageena, waxana ay ku farxaan dhibteen.

Maanta oo kale waa maalmaha cadowgu ka faa’idaysan karo, Illahay kama dhigeen waxa ay maleegi karaan shirqoole si aynu isku dilno, wali dadkeenu umay bislaan Dimuqraadiyadda iyo Siyaasada si fudud ayaa  loo kala dili karaa, la iskuna diri karaa. Maanta oo kale dhammaanteen waa in aynu heegan galnaa, dhammaanteen doon ayaynu saaranahay hadday dagtana cidna inaga badbaadi mayso. Ma rabno dagaal sokeeye, ma rabto wiil iyo abtigii oo colowba mana rabto gacal iyo sokeeyo kala gurta, Somaliland waxa ka xumaadaa waxa ay ka xumaadeen dhammaanteen.

Si gaar ah waxa saaran ciidanka amaanka in la ilaaliyo amniga guud iyo ka gaarka ah ee saddexda Musharax ee midkood  Madaxweyna inoo noqon doono.

Fadlan sii baahi hadday fariintani ku qanciso. Mahadsanid

 

 

Gaaxnuug2013@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso