Dhawaaq Haween W/q:Hibo Ciise Maxamed

Dhawaaq Haween

Haweenku waa 50% ka mid ah bulshada Somaliland, haddii aanay kaba badnayn. Jeeraa lasoo maray wakhti aanay waxna qori jirin waxna akhriyi jirin oo talada iyo go’aankaba looga reebi jirey aqoon yaraan iyo aragti gaabnaan. Alle Mahadii wakhtigan la joogo Alle waa inagu simay dumarkii oo door muhiim ah ka qaadanaya waxbarashada ilaa heer jaamacadeed  waliba kaga dedaal iyo karti badan in badan oo ragga ka mid ah.

Tusaale kooban waxad ka dheehan kartaa ardeyda Jaamacadaha ka soo baxda sannad walba korodhka haweenka ee xag waxbarasho. Jaamacadda Hargeysa oo kali ah aynu soo qaadano labadii  sannadood ee u danbeysay.

2016 guud ahaan ardeyda qalin jabiyey waxay ahaayeen tiro dhan 862 halka ay395 ka ahaayeen haween taas  oo u dhiganta 46%. Halka 2017 ay tirada guud ee ardeydu ahayd 1126 oo kala ahayd 599 rag ah iyo 527 haween ah taas oo noqonaysa 47%. Intii ka horeysayna ay kolba soo kordhaysay tiradaasi laga yaaba in ardeydii u horeysay ee ka baxda jaamacadda ay 5% Haween ahaayeen amaba aanay gabi ahaanba jirin.

 

Baarlamaanka Somaliland  labadiisa golle (Guurtida & Wakiilada) waxa ay ka kooban yihiin 82 xubnood halkaas oo ay hal gabadh ahi ku jirto. Golaha wasiirada/ ku xigeenada iyo Wasiiru dawlayaasha  Somaliland waa tiro dhan  68 guud ahaan waxa ku jira 2 haween ah oo kaliya halka ay Agaasimayaasha guud ka yihiin 27 ay ku jirto 1 gabadh ahi, waxase Illahey mahadii ah in aanay intaasiba badankoodu jirin dhawr sanno ka hor.

Intaasi oo indhaha loo furaa waxay xaqiijinaysaa in aanay haba yaraatee haween weynaha Jamhuuriyadda Somaliland aanay marnaba gacanta kula jirin weelka waddankooda wax loogu qaybinayo. Go’aanada masiiriga ah ee ay umadi gaadho waa kuwa cawaaqibtooda lagu badhaadho ama lagu baaba’o  haddii aynu nidhi Haweenku waa kala badh kamida bulshada ku dhaqan dalka side bay macquul u tahay in laysku dul qeybsado wixii la doonana laga yeelo masiirka dhulkooda, dadkooda iyo nafahoodaba iyaga oo aan wax talo iyo tashi ah laga siin.

 

Waddanku waxa uu madax banaani haystaa 25 sannadood intaasi oo dhan waanu soo dul qaadanaynay maanta waxa la jooga xilligii isbadel iman lahaa oo dumarka Saamiga ay waddanka ku leeyihiin loo hibeyn lahaa.

Haddii ay jiraan dad qaba fikirka ah  in ay haweenku guryaha fadhiyaan, waa run oo guriga meel nooga kheyr badan ma jirto. Naftayada ubadkayaga iyo sharaftayaduba waxay ku wacan yihiin guriga oo aanu fadhino lakiin raali ahaw qof kasta oo haabka soo galiya inay khalad tahay in ay dumarku arrimaha siyaasadda iyo hogaanka soo faragaliyaan, maxay u arki waayeen  waxa hooyooyin rafaadaya ee salaada subax usoo lugaynaya suuqyada si ay ubadkooda iyo nafahooda ugu raadiyaan quutal daruuriga, dhulka oo aan iftiimin ayay usoo jarmaadaan suuqyada iyaga oo mararka qaar lugaynaya halkaas oo ay halis ugu jiraan in uu tuug iyo wax kasii daranba ka helaan jidkaa dheer ee ay sii lugeynayaan waxa taas ka sii daran dhaxamaha daran ee ay u soo baxaan ee safanta iyo qalafka ka dhigta jidhkoodii una badashay wax laga argagaxayo  taasi oo ay u xigto qorrax falaadhaheedu qiiq ka kicinayaan qofkii ay baylah & banaan ka helaan, waxa u sii dheer werwerka iyo walaaca joogtada ah ee ay ka qabaan  waxa ay suuqa kala kulmi doonaan.

Qiyaas ahaan 70% dadka suuqa shaqooyinka tacabka badan sida khudrada, hilibka, bacaha, Caanaha IWM ka hayaa waa Haween. Baahidu waa ta soo saartay ee baydkeedi ay ku nasan lahayd ka soo saartay, waa hooyada ay hawshaasi adag u dheer tahay fikir iyo walbahaar waa ta  nagu dhalisay inaanu ka damqano mustaqbalkayagana aanu ka fakarno oon hooyooyinkaas fadhi wax ugu keeno ama shaqo taa dhaanta ay hooyooyinka mustaqbalku qabtaan mar hadii baahi soo saarayso.

Dumarku waa kuwa durbaanka idiin tumaya ee idiin ololaynaya ee dhexda idiin xidhay hadday cod noqotana waa kuwa u badan ee codkooda bixiya haddana dadaalkayagu waa hal bacaad lagu lisay. Haweenoow

Waa maxay sababta inaga oo arkeyna in laynagu guuro oo saamigeenii iyo sadkeeniiba lala kala duuley haddana kor & kalba uga dhidideen ee qiirada madhan iyo tolaay yaa reer hebalaay da aan arxan ka sokeyn laydiinku hiyi kicinaya?

Maxaa inoogu wacan hayal samaanta iyo ololaha nimaan inoo diir naxeyn? Maxaa haweenkii ka dhigay qaar imaankoodu ku samaado shilimada shaxaadka iyo u nacamlaynta dar kale? Innaga oo karayna in aynu himiladeena xaqiijino oo aynu barbarkeena hinjino.

 

Waxan fariin u dirayaa Haween waynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxan leeyahay waxa laydinka baahan yahay Dedaal Han & Hiigsi aad cadkiina ku goosataan,  dedaala oo dedaala itaal waa halkiisee . hadhka adoo fadhiya oo wax la xidho iyo wax la marsado ka fakaraya wax kuu imanayaa ma jiraan. Riyada ka toosa waagii waa baryee.

Codkiina iyo mashxaradiina u meel daya oo u meel daya.

 

 

 

 

 

 

Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso