Baarlamaanka Turkiga Oo Ku  Kordhiyay  xaalad degdeg ah 3 bilood oo kale

Baarlamaanka Turkiga ayaa kordhiyay xaaladda degdegga ah ee dalka Turkigu ku jiray kuna daray saddexdii bilood oo kale wakaaladda wararka ee Anatolia ayaa sheegtay in codka Baarlamaanka Qaranku uu ka jawaabayay codsi ka yimid xukuumadda.

Xaaladda degdegga ah ee hadda taagan waxay dhacaysay 19-kii Oktoobar waxaana lagu kordhiyay afar jeer kadib markii la isku dayey afgembiga 15-kii July, 2016 kaas oo ay mas’uuliyiinta Turkigu ku eedeeyeen hogaamiyaha islaamiga ah Fath Gulen.

 

Ka dib markii uu isa saxeexay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan go’aankii baarlamaanka faafin rasmi ah ay dawladu ku samaysay xaaladda degdegga ah ayaa sii jiraysa tan iyo illaa January 19.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso