Gudaha Ka Eeg :“Lama Ogola; Laba Gar-Daaq, Godad-Layn, Iyo Laba Geed-Gurasho, Waxaad Noqon Siyaasi Ama Adeege-Ummadeed” Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniintii ugu cuslayd u dirtay Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Somaliland, waxaana lagu amray in qofkii shaqaale dawladdeed ee lagu dhex arko in uu ku milmay Kaambeynka Saddexda Xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo Kulmiye in 1 mar oo digniin ah la siin doono qofkii mar 2aad la arkana si toosa looga eryi doono shaqadda uu qaranka u hayo oo dibadda laga dhigi doono.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay weheliyaan Masuuliyiinta kale ee Saraakiisha Hay’adda shaqaaluhu, ayaa Shir Jaraa’id oo maanta uu Xafiiskiisa ku qabtay, waxa uu soo bandhigay Digniino sharciga Hay’adda shaqaalaha ku qotoma oo uu u kala diray dhamaan Shaqalaaha kala duwan ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo uu ku wargeliyey cidii lagu arko inay Kaambeynka Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ku lug leedahay ama si uun uga qayb qadato marka uu maalinta sabtida ee soo socota bilaabmo Kaambeynka dooorashadda oo mudo 21 maalmood ah dalka ka socon doono, in shaqaalaha lagu arko ololaha iyo Kaambeynka hal mar oo digniin ah la siin doono qofka mar dambe lagu arko ololaha isaga oo ku dhex jira shaqadda dawladda in laga eryo ay ciqaabtiisu noqon doonto, waxaana sido kale uu md Sharmarke digniintiisa ku sheegay qofka lagu arko in isaga oo shaqaale dawladeed ah uu Saddexda Xisbi qaran midkood xil u magacaabo la kala dooran siin doono shaqadda uu qaranka u hayo iyo midka Xisbiyadda siyaasadda ka uu doonaayo.

 

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  oo ka hadlaayey Fariinta digniinta ee Hay’adda Shaqaalaha Somaliland u dirtay shaqaalaha dawladda wakhtiga Kaambeynka doorashooyinka lagu jiro “Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland waxay goobtan iskugu yeedhay ama aanu kulankan idiinku marti qaadnay in aanu halkan ka soo jeedino Dardaaran, Baaq iyo Digniin , hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay ugu horeyn halkan ka salaamaysaa shaqaalaha kala duwan ee adeegayaasha umadda ah, meel kasta oo ay ku sugan yihiin iyo hawl kast oo ay  qaranka Somaliland u hayaanba, , mudanayaal waxa dhawaan bilaabmi doona ololihii doorashooyinku ee xisbiyadda qaranku loolanka ay doorashooyinka ugu jiraan ee Kursiga dalka ugu sareeya, adeege meel aad joogtaba fariintan aan ku soo diraynaa waa mid waa digniin iyo baaq ku waajahan shaqadaa aad umadda u hayso, sida aad og tahay xeerka shaqaalaha dawladda aniga oo tixraacaya , aniga oo tixraacaya xeerka doorashooyinka qaranka, aniga oo tixraacaya wareegtadii u dambaysay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhamaantoodba waxay tilmaamayaan ka foojignaanta shaqaalaha dawladda ee ku milanka iyo ka mid noqoshadda xubin firfircoon oo u tartanta ama ka dhex muuqata loolanka loogu jiro hanashadda kursiga Madaxtooyadda ee dalka ugu sareeya”

 

Guddoomiye Sharmarke Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mudane iyo Marwo hadii aad tahay qof shaqaale dawladdeed ah, digniinta maanta lagu soo dirayaa waxay noqonaysaa  in aad ka feejignaato, hawlaha Kaambeynka doorashadda ee dhawaan dalka ka bilaabmaya, maadaama aad tahay adeege dawladdeed oo halka uu joogo qarankiisa Somaliland ugu adeegaya, sharciga shaqaalaha dawladda ee Somaliland ayaa waxa uu ku damaanad qaaday in dawlad walba iyo Xisbi walba oo taladda xukunka ee dalka yimaada aanu shaqaddaada waxba yeeli doonin in aanu ku taagan Karin ama kugu xadgudi Karin ilaa aad adigu sharci jebin iyo xadgudub la timaado , isbedelka qarankan ku imanayaa adiga kuma saamaynaayo sida darteed ayaan sinaba laguugu ogolayn in aad noqoto xubin loolanka iyo laacdanka doorashadda madaxtinimadda iyo Kaambeynka Xisbiyadda ku dhex milma, marka 1aad waa ku digniin, marka dambe caadaystoow waa ku shaqo ka saarid iyo banaanka oo adeegii aad umadda u qaban jirtay ee aad daayacday banaanka laga dhigo”

 

Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu intaasi ku daray ugu dambeyntii “Hadii aad magacow xisbi ku soo baxdo ay Xisbiyadda kala duwani ay magacaabayaan hal jaanis ayaad leedahay oo ah in lagu kala dooran siiyo magacawgaasi xisbiga iyo adeegaha umadda midka aad noqonayso, hadii lagugu arko Astaamaha xisbiyadda qaranka , calankooda, Buugooda, Kulamadooda iyo shir doceedyadoodaba dhamaantood, marka 1aad waxa lagu soo saarayaa digniin kama dambays ah marka 2aad ee dambigii oo kale laga soo gudbiyana talaabadaadu waa Eris oo qof shaqaddii qaranka ka baxaaya ayaad tahay, shaqaaloow waxa lagu sheegayaa adeega shaqaalenimadda aad dawladda u qabata iyo siyaasaddu hada ogow in aanay ahayn laba isgala , hada ogow laba gardaqa iyo laba geed gurashadda midna laguma ogola , qofka shaqaalahoow ama waxaan doonaysaa qof siyaasi ah oo siyaasaddiisa u banbaxa ama waxaan noqonaysaa qof muwaadin adeege qaran oo dalkiisa shaqadda uu u hayo u go’a, waxaan idiin sheegayaa sharciga shaqaalaha dawladdu inay awood buuxda ku fulin doonto , sido kale wareegtadii Madaxweynaha qaranka ee Somaliland in aanay dhul u dhici doonin oo ay helayso dad fuliya ama ku qaada xeerka Anshaxa cidii ku soo xadgudubta ee shaqaale dawladdeed ah, waxaan diin sheegayaa waxa laysku yahay ayaa ka weyn waxa la kala yahay oo tartanka lagu jiro iyo Xisbinimadda dawladnimadda Somaliland ayaa ka weyn shaqaaloow adigu haku milmin oo adeegaaga qaran ee aad hayso ayaad wax ku tahay if iyo aakhiroba ee ku eekoow”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso