Bulshada Degta Degmada 31 May Iyo Degaanada Sayla Oo Cudud Taageero Miisaan Leh U Muujiyay Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(ToggaHerer)-Xaflad Si Balaadhan Loo Soo Agaasimay Oo Beesha Degta Degmooyinka 31 may iyo Sayla (AYUUB) cudud taageero oo miisaanleh ku Biiriyay Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Iyo Murashaxiintiisa Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici.
Xafladan oo ay kasoo qayb galeen hogaanka sare ee xisbiga kulmiye oo horkacayo murashaxa madaxwayne Muuse Biixi Cabdi xubno ka mida golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale .
odoyaasha ,saladiinta, boqorada, wax garadka, Haweenka iyo aqoonyahanka beesha ayuub Sheegayna inay ku faraxsanyihiin xafladan inay kala soo qayb galaan masuuliyiinta Xisbiga Iyo Xukuumada si isku mida u balan qaaday inay cudud iyo codba la garab taaganyihiin xisbiga midnimada iyo horumarka soomaliland Ee KULMIYE.
Boqorka Guud Ee Beesha Ayuub Oo Goobtaasii ka hadlay ayaa si cad u shaaciyay inuu taageero buuxda u hayo isaga iyo beeshiisuba xisbiga kULMIYE iyo murashaxiintiisa.
Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed kaahin axmed wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta sheekh khaliid cabdilaahi axmed iyo xildhibaan obsiiye ayaa si isku mida usoo dhaweeyey cududa taageradan balaadhan Ee Bulshada Deeganadan.
Ugu Danbay Murashaxa Madaxwayne Ee xisbiga KULMIYE Muuse biixi cabdi oo goobtaas Ka hadlay ayaa u balanqaaday lagalana shaqeeyo sidii u horumarin lahaa diinta iyo dalka ,wuxuu xuna ee dhib qaranka ku ahna Si wada jira looga wada hortago .

Advertisement

Ku Xayeysiiso