Gudoomiyaha Aqalka Baarlamaanka Ruushka Duma oo Booqan Doona Damascus sanadka soo socda

Afhayeenka Duma Vyacheslav Volodin ayaa shaaca ka qaaday inuu si shakhsi ahaan ah u hoggaamin doono wafdiga Ruushka kaasoo isu diyaarinaya martiqaadka dhinaca Siiriya booqana doonaan Dimishiq horaanta sanadka soo socda.

“Waan xaqiijinayaa arrintan,” ayuu ku yidhi Volodin wariyaasha maanta markii la weydiiyay haddii uu madax ka noqon doono waftiga Ruushka ee booqan doona Damascus.

Gudoomiyaha baarlamaanka Ruushka Duma ayaa sheegay in booqashadani ay dhici karto horaanta sanada 2018 meeshana kamuu saarin in qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Yurub ay sidoo kale qayb ka noqon doonaan Booqasahda Ruushka waxaanu intaa ku daray in Martiqaadka Ruushku yahay mid rasmi ah kana heleen Martiqaadka Gudoomiyaha Golaha Siiriya si ay u soo booqdaan Dimishiq.

“Casuumadana waa la aqbalay,” ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso