Gudaha Ka Eeg :Wefti KULMIYE ah oo Hawlo Dardargelin ah ka Fuliyey Degmada Balli-mataan

Wefi ka socda Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda oo uu hoggaaminaayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Md. Cabdiqaadir Dhagaweyne oo ay wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, siyaasi Maxamed Mahdi Buubaa iyo Abokor Maxamed Shukri , Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Duulista iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiin kale, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyayay Degmada Bali-mataan iyo Deegaamada hoos yimaada.
Weftiga oo ujeeddada socdaalkiisu ahaa u kuurgalida xaalada nololeed iyo ta xoolaad ee Deegaamadaas iyo weliba sidii ay xafiisyo xisbiga KULMIYE leeyahay uga furi lahaayeen degmada, waxa halkaasi ku qaabilay dadweynaha deegaamadaas iyo masuuliyiintooda oo warbixino ku siiyey masuuliyiintaas heer Qaran.
Masuuliyiintu waxay xadhigga ka jareen xafiisyo cusub oo xisbiga KULMIYE ku yeelan doono degaamada degmada Balli-mataan, iyadoo dadweynaha deegaannadaasina ku wargeliyeen inay si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso