Kii U Dambeeyeey Barlev 5 Derbi difaac Oo Khiyaameeyey Asxaabtoodii!!!

Dawladaha ayaa ka sameeya xuduudahooda Derbiyo ama Jidgooyooyin inta badan si ay uga badbaadaan khatar dibadda uga timaada loogana hortago in cadawgu ka soo gudbo waa dadaal weyn oo mararka qaar la sameeyo laakiin ma keeno amaan lagu kalsoonaan karo.

Derbiga  Shiinaha

Sida uu Qoray Business Insider Liiska difaacayada Taariikhda Galay kan ugu horeeyay waa kan ugu weyn ee Shiinaha waana dhismaha ugu weyn ee bini’aadam sameeyey xayndaabkan ayaa balaciisu yahay 3,000 mayl halka dhererkiisu yahay ilaa 50 mitir laakiin wixii laga rajaynayay muu keenin kamuu ilaalin Shiinaha weerarkii Liao Empire iyo Mongoli .

Derbiyadii Roomaanku waxay ka dhiseen hareeraha Constantinople (Istanbul hadda) marka la eego waxaba kamay tarin waxaana dhisey Imperor Teodecius II inta u dhaxaysa 412 iyo 414 AD.

Inkasta oo Jidgooyooyinka la dhisay 3 mayl ayna ilaaliyeen intii lagu guda jiray qarniyadii dhexe laakiin ma aysan hor istaagin Cusmaaniyiintii oo ku burburay 53 maalmood oo keliya Sanadii 1453.

Khadkii Siegfried waxa Sameeyey Jarmalka intii u dhexeysay 1916 ilaa 1917 Dagaalkii Dunida ee koowaad Balaciisu waxa uu ahaa 630 Km oo markii dambe dib loo hagaajiyey laakiin ma aysan hor istaagin Mareykanka inta lagu guda jiray dagaalkii labaad ee dunida 1944-kii.

Faransiiska ayaa dhisay Khadka Maginot 40 mayl oo u dhexeeya intii u dhexeeya 1929 ilaa 1936 waxay ku talagaleen in ay iskaga caabiyaan weerar kasta, laakiin ma dhicin markii ay Jarmalku ka weerareen dhinaca Beljam waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan muddo afar maalmood ah inkastoo dhammaan hore loo xoojiyay.

Dayrki Barlev  ee Qosol Lu Jabka Noqday

Tijaabo kale Dhulka Carabta Israel waxay ku maalgalisay $ 300 milyan oo doollar oo taagan(1960-yadii) khadka caanka ah ee Barlev kaasoo ahaa difaaca ku yaal xeebta bariga Suez Canal laakiin ciidamada Masar waxay u baahdeen oo kaliya laba saacadood si ay u burburiyaan Bishii October 1973.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso