Degdeg Gudaha Ka Eeg :Xog-hayihii Guud Ee Guddida Sahan-Barwaaqo Yuusuf Maxamuud Guuleed Oo Is Cassilay .

Xog-hayahii Guud Ee Sahan-Barwaaqo Mudane Yuusuf Maxamuud Guuleed ayaa shaaciyay in uu gabi-ahaanba iska cassilay Xilkii uu ka hayay Guddida Sahan-Barwaaqo Ee Horumarinta Beelaha Ciidagale .

Waxaanu Xog-hayuhuu uu is casiladiisa ku sheegay Qoraal-kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, oo u dhignayd .

“Marka hore ilaahay baay mahad oo dhami u sugantahay, marlabaadka waxaan u mahad celinayaa dhamaan Gudida (Sahan Barwaaqo) Beelwaynta Daaud Ismail iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay, lashaqaynta Gudida.

Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-10-017 in aan Iska casilay xubin nimadii Gudida guud iyo tii fulintaba, sababta aan isu casilayna ay tahay Arimo aniga ii gaara, oo aan doonayo in aan u gacan banaanaado, ama umadax banaanaado. Mar labaad waad mahadsantihiin, wa bilaahi Tawfiiq.”

Is casiladda Xog-hayaha ayaa ku soo beegmaysa wakhti xasaasi ah oo loo diyaar garoobayo Doorashada Madaxtooyada  .

Advertisement

Ku Xayeysiiso