Dhimasho iyo Dhaawac Isku Dhacyo Dhex Maray Peshmerga iyo Maleeshiyaadka Xashdi Shacbiga Magaalada Kirkuk

Iska horimaad ayaa ku dhexmaray  Peshmerga iyo Maleeshiyaadka Xashdi Shacbiga Ciraaq magaalada Tuz Khurmato oo ku taal koofurta Kirkuk Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya inay  ku dhinteen lix xubnood oo ka mid ah Xashdi Shacbiga Waxaana ka dhaawacmay 4 kale Dhinaca Peshmerga waxa la sheegay in iska hor-imaadka uu kaga dhaawacmay Hal Askari.

Mid ka mid ah xarumaha  Kuurdiya (PUK) ayaa lagu beegsaday weerarka halka Peshmerga ay ka jawaabeen weerarka waxayna ku guuleysteen inay ka kor  qaadaan go’doominta xaruntooda lagu sameeyey waxayna ka daad gureeyeen dadkii ku jiray xarunta  sida laga soo xigtay wariyayaasha ku sugan goobta.

Peshmerga waxay xoojisay joogitaankeeda gudaha iyo hareeraha Kirkuk si loogu diyaar garoobo dagaal ay la galaan malleeyshiyaadka Xashdiga  iyo ilaalinta ammaanka gudaha Kirkuk.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso