Afar qof oo ku dhintay shil diyaaradeed ka dhacay Ivory Coast

Diyaarad ayaa ku burburtay badda kadib markii ay ka Duushay Abidjan oo ku taala Ivory Coast, Reuters ayaa soo warisay iyada oo ka soo xigtay goobjoogayaal.

Shilka ayaa ku dhacay meel u dhaw Garoonka Caalamiga ah ee Abidjan intii ay dhacaysay duufaan wadata roobab xoogan iyo Hilaac.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal laba mayd ah ayaa laga soo saaray burburkii diyaaradda iyada oo laba mayd oo kale ah ay ku jiraan Burburka badda.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal diyaaraddu waxay ahayd diyaarad xamuul..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso