Gudaha Ka Eeg :Qalabkii lagu Galayay Doorashada Madaxtooyada Somaliland Oo soo Gaadhay Dalka .

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo mudooyinkan danbe ku guda jiray diyaargarowga doorashada madaxtooyada ee qorshaysan inay wadanka ka qabsoonto 13 Nov 2017 ayaa wadanka keenay dhamman qalabkii doorashada lagu qali lahaa:

Waxa shalay 07/10/2017 madarka Egal International Airport soo gaadhay laba diyaaradood oo siday qalabka doorashada oo ka koobnaa:

Sanaduuqda codbixinta
Lingaxyada
khadadka shambada
iyo Qalab kale oo badan

Sidoo kale saaka Subixii hore 08/10/2017 waxa madarka soo gaadhay diyaaradii saddexaada oo siday waraaqihi codbixinta iyo foomamka kala duwan ee loo adeegsan doono doorashada:

Waxa diyaaradan siday waraqaha codbixinta la socday Komishaneer Said Ali Muse & Kommishaneer Cabdiraxmaan Cismaan Adan oo Todobaadka u danbeeneyey ku maqnaa soo rarista qalabka doorashada.

Xubnaha komishanka & masuuliyiin ka socday saddexda xisbi qaran ayaa goobjoog ka ahaa markii qalabka doorashadu soo gaadhay madaarka kana bixiyay dareenkooda ku aadan soo dhameystirka agabkii doorashada. Agabkaas oo dhamaan la soo wada gaadhsiiyay Xarunta KDQ laguna xareeyey goobaha loo cayimay in la dhigo inta la gaadhayo hawsha gudda galkeeda.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso